Xukumadda oo Guddi Baadhitaan u Saartay Shidaal Wasakhaysan Oo Dalka Soo Galay

0
277

Hargeysa (Dawan)- Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay shidaal tayadiisu xuntahay oo todobadadii u dambeyey ay si weyn uga cabanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan gaadiidlayda oo sheegay inuu khasaare ballaadhan u gaystay .

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad (Saajin) iyo guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaa halka uu yimi iyo sababta keentay in shidaalka wasakhaysan , waxaanay xuseen in ay guddi soo baadha u saareen “Waxaan ognahay in walaac badani ka jiro waddanka oo la xidhiidha Shidaal tayadiisu aaney hagaagsanayn oo dalka soo galay oo dhibaato badan u gaystay gadiidleyda , arrintaa waa laga wada xun yahay , hawlgal badan ayaanu ka samaynay imikana waxa aanu u magacawnay guddi uu hoggaaminaayo agaasimaha guud ee ganacsiga oo kormeeri doona Berbera iyo goobaha wax ka jiraan warbixin hufanna kasoo diyaarin doona sida wax u dhaceen iyo sida wadcigu hadda yahay “ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga’wershadaha iyo dalxiiska Saajin.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa qiray in shidaalkaasi uu dalka ku jiro waxaanu raali gelin ka siiyey shacabka uu khasaaruhu kasoo gaadhay isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “wuu soo galay shidaalku marka uu soo galay oo nidaamka ku jiro wax laga qaban karo oo badani ma jirto laakiin wixii dambe waxa aanu diyaar u nahay in aanu wax ka qabano , waxa aanu ka xunnahay khasaaraha soo gaadhay bulshada, guddiga muddo yar oo kooban ayaanu ka doonaynaa in ay soo xaqiijiyaan soona baadhan shidaalku halka uu ka yimid , siduu kusoo galay iyo wixii laga qaban karo “

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply