Madaxwyne Ku Xigeenka oo Daah-furay Mashruuc Wax Loogu Qabanayo Qaxoontiga Somaliland ee ka soo Noqonaya Dalka Dibadiisa

0
269

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay daahfurka mashruucan wax loogu qabanayo dadka reer Somaliland ee qaxoontiga ku ah wadamada iyo Yurub ee aan weli sharci iyo kuwa doonaya in ay iskood ugu soo noqdaan dalkooda hooyo.

Munaasibad mashruucaasi lagu daah furayay ayaa lagu qabtay caasimadda Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayli) Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka Xuseen Ibraahin Buuni, saraakiil ka socday Hay’adda IOM iyo laanta Socdaalka Somaliland iyo marti sharaf kale.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Sayli oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay faa’iidada iyo fursadaha uu mashruucani u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland ee duruufaha iyo dhibaatooyinku ku haystaan dalka dibadiisa.

Madaxweynu ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mashruucan cusub oo wax loogu qabanayo dadka ku dhibaataysan dalka dibadiisa ama dadka Somaliland jooga ee qaxoontiga ah ee dib loogu celiaayo dalkooda, in maanta ay inaga caawinaayan Eu-da oo kharash ku bixinaysa iyo hay’ada IOM oo fulinaysa.”

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu intaasi ku daray “Mashruucani muddo dheer ayuu soo socday oo aanu ka wada-hadlaynay hay’adahan iyo dawlado kale ba sida loo soo celinaayo dadkaas oo ikhtiyaarkooda ugu soo noqonaya dalka, kuwaas oo dhibaatooyinka kala kulmay halkaas ama sharcigu ku adkaaday ama iyagu jeclaystay in ay wadankooda ku soo noqdaan, xiliyadii hore waxa la soo celin jiray qofka oo aan haysan dhaqaale ama kharash u saamaxaaya in uu dalka iskii ugu soo laabto marka anagu ka xukuumad ahaan waanu soo dhawaynaynaa mashruucan iyo dadka soo noqonaayaba. waxa kale oo jira dad iyaguna qaxoonti ah oo Somaliland ku sugan oo rabana in dalkoodii lagu celiyo, kuwaasna mashruucani wax ayuu u qabanayaa.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xuseen Ibraahin (Buuni) ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Annagu waxa aanu ka soo qayb qaadanay qorshaynta mashruucan, dadka ka faa’iidaysanaayaana waa laba qaybood oo ah kuwii dalka ka qaxay waayadii hore ee dalkooda raba in ay ku soo laabtaan iyo kuwii tahriibay ee wadamada sida Talyaaniga iyo meelo kale oo ka mid ah Yurub u shaqo tegay balse sawirkii ay ka haysteen mid ka duwan uu kags soo baxay.”

Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif) oo isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka war bixiyay faa’iidada mashrucani u leeyahay dadka reer Somaliland ee wadamada dibada ka soo laabanaaya, waxaanu yidhi “Mashruucan oo ay maal galinayso Midawga Yurub (EU), isla markaana ay fulinayso Hay’adda IOM, muddo ayuu soo socday, anuguna ka hay’ad ahaan anaga ayaa u xil saran arimahaas oo qaranka u qaablisan.

Dadka soo noqonayaa waa laba qaybood oo ah kuwii dalka ka qaxay wakhtiyadii colaadihii oo si iskood ah iyada oo aanay cidina khasbin raba in ay ku soo noqdaan dalkoodii iyo kuwii tahriibay ee ku cadiban wadamo ka mid ah Africa”

Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), waxa uu intaasi raaciyay “Mashruucan dadka ka faa’iidaysanayaa waxa ay noqon doonaan dad dhibaato haysato oo looga hiilinaayo ama laga caawinaayo, anagu ka hay’ad ahaan hore ayaanu uga wada hadalay hay’adaasi iyo sida wax loogu qabanaayo dadka dib loo soo celinaayo. waa dad reer Somaliland ah oo kaliya. annaguna masuuliyada kuwaas uun baanu u haynaa, dadkaas inta aan la soo celinin waxa aanu hay’ada heshiis ku nahay in ay dadkaas warkooda noo keenaan, magacyadooda, halka ay deganyihiin, ehelada dadkooda si aanu wax uga waydiino dadkaasi ma yihiin dad eheladiina ah raalise iyagu ma ku yihiin in ay soo noqdaan.”

Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Mr. March oo ka socaday hay’adda IOM iyo Mr Anders, oo isna ka socday EU, waxayna ka warameen sida mashruucaasi wax wayan uu uga taraayo baahiyaha dadka qaxoontiga ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply