Qaramada Midoobay oo Khilaafka Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya Is-diidsiisay

0
277

New York(Dawan):- Qaramada Midoobay, ayaa is-diidsiisay ka hadalka khilaafka sharci ee ka dhex taagan Somaliland iyo Soomaaliya ee la xidhiidha maamulista Hawada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Qaramada Midobay dawladda Xamar ku wareejisay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric oo Tifatiraha wakaalada wararka Inner City Press Mr. Lee uu su’aal ka waydiiyay khilaafka ka taagan maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxa Qaramada Midoobay uga meel yaalla, ayaa jawaab lagu qanco aan ka bixin su’aashaas iyadoo Somaliland ay caddaysay halka ay ka taagan tahay Hawada Somaliland in dal kale lagu wareejiyo isla markaana caddaysay in ay dacwad u gudbinayso Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Qaranada Midoobay Mr. Dujarric, ayaa su’aashii wariyuhu waydiiyay kaga jawaabay “Waxaan filayaa, inay wanaagsan tahay weydiinta su’aashaasi hay’adda ICAO,”

Jawaabta Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegantay wakhti Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo weriye ka tirsan Wargeyska Dawan uu weydiiyey mowqifka xukuumada Somaliland ee la xidhiidha khilaafka Maamulka Hawada uu ku jawaabay.“Toban wada xaajood ayaan ugu yaraan arrinkan maamulka Hawada ka yeelanay Soomaaliya, marwalba heshiiska aanu wada gaadhaynay wuxuu ahaa, In laba xarumood laga sameeyo Hargeysa iyo Muqdisho, oo ay qalabayso hay’adda ICAO, dhaqaalaha ka soo baxana la qeybsado.”

Jawaabta wasiirka Dr Sacad ayaa caddayn u ah in hay’adda ICAO oo ka tirsan Qaramada Midoobay in ay baal martay heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya wada gaadheen shirar badan oo ay wada yeesheen isla markaana ay ka tallaabsatay oo ay Soomaaliya u gacan gelisay Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya dawladda Muqdisho oo keliya halkii la isku ogaa in laba xarumood oo qalabaysan oo isku heer taagan in laga hirgeliyo Hargeysa iyo Muqdisho.

Waxaa kale oo jawaabta afhayeenka Qaranada Midoobay Mr. Dujarric ay muujinaysaa in Qaramada Midoobay aanay dhex ka ahayn fhilaafka Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Somaliland oo dhowaan go’aan ka soo saaray faragelinta Soomaaliya ee maalgashiga iyo maamulka hawada, waxaanay ugu baaqeen inay faraha kala baxaan, hadii kale cawaaqibka ka yimaadan masuul ka noqon doonaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply