Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Bilowday Qorshe ay ku Diwaan-galinayso Hay’addaha Maxaliga ah

0
269

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa isugu yeedhay hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa aan maxaliga aheyn ba ee dalka ka hawl-gala.

Kulankan hay’addaha leysugu yeedhay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii la isula meel dhigi lahaa qorshe lagu diwaangalinayo hay’addaha maxaliga ah ee wadanka ku sugan.

Marwo Hinda Gaani ayaa sheegtay in qorshahan ay isugu yeedheen hay’addan maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ba uu qayb ka yahay balan qaadyaddii xukuumadda talada dalka heysa ee ay ololaha ku soo gashay xiligii doorashada madaxtooyada Somaliland, kaas oo ay xukuumaddu ku horemarineysay hawlaha qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyada oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ba waan idiinka mahad celinaya sida aad u soo ajiibteen dalabkii aanu idiin soo dirnay iyo in aynu wada yeelano kulan aynu ku lafo gurayno wada shaqeynta inaga dhaxeysa, maadaama aad tihiin dadka u adeega bulshada, anaguna aanu nahay wasaarada u igman inay u adeegto amase ogaato adeega bulshada loo qabanayo, si aaanu u ogaano hay’addaha noo diwaangashan iyo kuwa aan noo diwaangashanayn, ta noo diwaangashan se maxay noo qabata, waxa ay nagala shaqeyso ma jirtaa hay’ad kale oo nagala shaqeysaa, sidaasi ayuu daaranaa kulankeenu, waxaan idiinka mahad celinayaa mudadii aan joogey wasaarada iyo intii ka horeysayba sida dhaw ee aad wasaarada ula shaqeyseen, waxaanan filayaa in sidii wanaagsaneyd ee aynu u wada shaqeyn jiray si ka wanaagsan aynu u wada shaqeyn doono, waxaa aanu idiinku dhago nuglaan doonaa sida aad noola shaqeysaan. anaguna waanu garab taagnaan doona hadba ciddii adeega bulshada noogu dhaga nuglaata, anaga oo qayb mihiima ka qaadan doona hadba wixii ay tabayaan.”

Marwo Hinda Jaamac Xirsi waxa ay ku wargalisay masuuliyiintii kala duwan ee hay’addahaasi ka socday in ay buuxin doonaan foom lagula xisaabtamo waxaanay tidhi “Waxaynu halkan ku kala qaadan doona warbixin cad oo qoraal ah, taas oo aynu ku ogaanayno hay’ad waliba hawsha ay qaranka u heyso waxaanaydun buuxin doontaan foom aynu kuwada xisaabtami doono, waxaanu idiinka balanqaadaynaa inaanay waxba idinkaga soo noqon dooneyn xagayaga waxaanu idinka rajeynaynaa in sdii awalba aad noola shaqeyn jirteen si ka wanaagsan aad noola shaqeyn doontaan, inta badana barnamijkeenu waxaa uu ku saleysnaan doonaa barnaamijka horumarinta qaranka Somaliland sidoo kale waxaa uu qayb ka yahay balanqaadyadii xukuumada talada dalka heysaa ay u sameysay bulshaweyntaweynta Somaliland anaga oo bulshada magaceeda ku adeegaynaa mid la xisaabtan leh oo aan iska dul dhac aheyn ayay noqon doontaa, qofkasta waxaan rajeynayaa meeshii lagu ogaado inuu ka soo bixi doono, dhammaantiina waxaad tihiin masuuliyiin aan ku qanacsanahay waxqaadkooda waxaanad tihiin dad muwaadiniina oo wixii bulshadeenu u baahan yihiin aad ka wakiil noqon doontaan”

“Ujeedadeenu waxaa ay tahay maxaad qabataan maxaad ka shaqeysaan waxaa anu rabno ma nagala shaqeynaysaan mise wax xaga sare laga keenay oo aad idinku rabtaan ayaad dooneysaan inaad nagala shaqeysaan faylbaad wasaarada ku yeelan doontaan waxaad ka shaqeynaysaan ayaa la garan doonaa, hadii kale fiilkaba kama shaqeyneysid anagu xaq ayaanu u leenahay ka wasaarad ahaan cidii nala shaqeysaa waxaa ay nala qabaneysaa inay caddaato markaa imika waxaa aanu idiinku yeedhnay inaynu meel ka wada shidaal qaadano oo wax wada qabano waxaanu ogaan doona cidi aanu martiqaad u diray ee aan iman, cida aan tixgalin casuumadayadana anaguna tixgalinmayno, waxaa aynu dooneynaa dadka jilicdasan ee carruur leh ee haween leh ee dadka buka iyo kuwa naafada ahba leh maada aynu ka wada shaqeynayno in shaqadeenu noqoto wax isku duba ridan oo cad oo wanaagsan markaa”Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply