Ina Buubbaa Lafahiisana Uma Roona Qaar Guri Kale Yaalana Uma Roona

0
279

Maalmahan Ismaaciil Buubbaa oo ay ahayd inuu iska aammusnaado, ceebtiisana qarsado, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ka codsaday inuu hooyadii u hiiliyo. Runtuse waxay tahay inuu Madaxweyhuhu kolkii uu ka reeyey, isaga iyo qayrkiiba, uu hooyadii iyo habaryarihiiba u hiiliyey. Hayeeshee isagu waa ina Buubbaaye, ubadkii uu ka tegey inaadeerkii (AHN) Mujaahid Ibraahin Koodbuur muxuu ku samaysay?

Sida aad sawirka ku arkaysaan lacagtii loo ururshey agoontii uu ka tegey Marxuunku oo 1989kii da’doodu kala ahayd sida hoos ku cad xaggee buu mariyey?

  1. Cabdirisaaq Ibraahin koodbuur oo markaa gu’ jir ahaa;
  2. Raxma Ibraahin koodbuur oo markaa lix jir ahayd;
  3. Cabduraxmaan Ibraahin koodbuur oo markaa siddeed jir ahaa.

Dad Allaw u fiirsada:

 

Sida ku cad warqadda sawirkeedu kor ka muuqdo, lacagta uu agoonta ka lunsaday waxay kala tahay sidan:

38, 000 SR (Saudi Riyaal) oo ka kala timid Riyadh, USA, UK, Canada

10,000 SR (Saudi Riyaal) oo ka kala timid Jeddah iyo Nawwxigeeda

8,000 SR (Saudi Riyaal) oo ka kala timid Dhahran iyo Jubail

Isugeyn waxay dhantahay lacagtaasi 56,000 SR

Warqadda halkeeda hoose waxa ku sawiran jeeg gaar ah oo lacagta ku qorani ay tahay 5,000 oo Riyaal. Wadarta guud ee uu agoonta ka lunsaday waa 56, 000 + 5,000 = 61, 000 SR oo Riyaal.

Ismaaciil Buubbaa oo loo haysto Siyaasi weyn oo daacad u ah dadka iyo dalka JSL waa kaa maanta hortiinna la soo dhigay iska ogaada.

Kumaa aqoon-darro lagu sheegayaa ma Wasiirka mise Buubbaa?

Wargeyska warsugan, tirsigii shalay cadadkiisii 588aad, ayuu aqoon yahay, Siyaasi Buubbaa ku qoray sidan:

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdiraxmaan Cabdillaah Faarax Guri Barwaaqo!!

Siyaasi aqoon yahan Buubbaa sawka cidlada degey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Aqoonyahan Ismaaciil Buubbaa sheegay inuu Guri Barwaaqo ka been sheegay Ina Cabdalla Xasan oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin reer Somaliland ah. Yaab! Waa yaab iyo yaabka yaabkii!! Bal aan eegno buugga taariikhda Daraawiishta ee uu qoray Aw Jaamaca Cumar Ciise boggiisa 3aad ee hoos ku xusan:

“Shiikh Cabdille Xasan wuxuu ku dhasahay, sida la weriyey, dooxada la yidhaahdo (Casuura) oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr sddon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartay gobolka Nugaal.”

“Waxaa la wariyay Sheekh Cabdille isaga oo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro Seed Magan, kuna caan baxday Carro Seed. Waxa la yidhi waxay u dhashay 10 carruur ah, waxaana u weynaa Maxamed Cabdulle Xasan (Sayidka), hase ahaatee Sheekh Cabdulle Carruurtii uu dhalay waxay tiradoodu gaadhaysaa sodomeeyo.”

Xilligii uu Ina Cabdalle Xasan dagaalka bilaabay halkee buu ka bilaabay? Waxa uu sheegay Aqoonyahanku inuu ka bilaabay Buuhoodle!! Buuhoodle miyaanu Ingiriisku ka talinjirin oo aanay ka tirsanaan jirin Somaliland? Maantana miyaanay ka tirsanayn Somaliland?

Waxa uu caddaystay siyaasaddiisii faqashnimo ee ku taargeersanaa maammulka caga jiidka ah ee Muqdisho.

Hadal iyo dhammaantii aqoonta iyo siyaasadda ha la siiyo xaal aad u weyn oo waafiya, hana lagu wargeliyo Ina Buubbaa inuu buugga si fiican u akhriyo, cudurkii Soomaaliweynna uu meesha ka baxay.

Axmed J. J. ‘Xanjeer’

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply