Laas-geel “Dhaxalka Dunida Ugu Fiican Ee Sirta Ah’’ Wargeyska The Gulf News

0
375

Wargeyska The Gulf News ayaa goobta Dalxiiska ee LAAS-GEEL ku tilmaamay  ‘’Dhaxalka dunida ugu fiican ee sirta ah’’. Gulf News oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta, ayaa maqaalkan uu kaga hadlayey Laas–Geel daabacay 27-ka bishan April, waxaana  Ciwaankiisu  ahaa ‘’Laas Geel; heritage world’s best kept secret.  Laas Geel oo ah goob fac weyn oo ay ku xardhan yihiin raadad sawir gacmeed ah, ayaa Gulf News waxa uu ku tilmaamay goob cajiib ah oo taariikhdeedu ka horaysay kumannaan sanadood, laakiin ku jira xaalad ilaashan oo aad u fiican.

Qofka qoray maqaalkan oo booqday Laas-Geel, waxa uu ka waramayaa halka ay ku taalo iyo sida ay ku tageen. Laas –Geel waxay ku taal meel debbeda ka ah magaalada Hargeysa waxaanay ilaa 40 kmt dhinaca waqooyi barri ka xigtaa magaalada Hargeysa. Waxaana la socday xubno ka tirsan wasaarada Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska.

Wargeysku waxa uu Laas-Geel ku safeeyey goob leh Godad qaadiimi ah oo ay ku xardhan yihiin sawiro gacmeed . The Gulf News waxa uu yidhi ‘’Sawirada lagu sameeyey goobtaas waxay u muuqdaan kuwo la sawiray boqolaal sanno ka hor, laakiin taariikhdooda waxa la sheegay in ay jiraan 5,000 ilaa 7,000 kun oo sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise’’. Wargeysku waxa uu sheegay in kasta oo taariikhdoodu dheer tahay, haddana waxa muuqata in aan dadku wax khasaare ah gaadhsiin.

Sida Wargeysku sheegay in ay badbaado Laas-Geel waxa sabab u ah cimilada kulul ee dalka iyo dadka oo aan aqoon badan u lahayn, balse wakhtigan waxay noqotay goob dalxiis oo caan ah.

The Gulf  News waxa uu leeyahay Laas-geel waxay ka kooban tahay 10 god oo ay ku xardhan yihiin sawiro gacanta lagu sawiray, sawiradu waxay u badan yihiin sawiro xayawaano oo muuqaalkoodu u eeg yahay; Lo’ Geri iyo dad dharka ay xidhan yihiin lagu naqshadeeyey midabo. Waxa kale oo dadku u muuqdaan in ay sitaan ulo ama gacan qabsi, waxa uu wargeysku leeyahay taasi waxay muujinaysaa in ay dadkaasi ahaayeen xoolo dhaqato ama ugaadhsato.

Inkasta oo dadka deegaanku ay yaqaaneen goobtan ilaa kumannaan sanno, Laas Geel waxa la bartay oo ay indhaha caalamka ay hor timi wixii ka dambeeyey sanadkii 2002, wakhtigaas oo ay booqdeen koox Faransiis ah oo ka socota Jaamacada Paul Valery Montapellier III ee Faransiiska. Sida laga soo xigtay baadhitaano ay soo bandhigeen khubaradii ka socotay jaamacada Montapellier III, Laas-Geel waxay noqotay goobaha ugu faca weyn bariga qaaradan Afrika. Waxa laga yaabay sida “dadkii noolaa 5000 sanno ka hore ay taariikh u reebeen dadka maanta nool ?”.

Professor Axmed Ducaale Jama oo ah madaxa qaybta cilmi baadhista asaarta qaadiimiga ee xidhiidhka la leh Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, ayaa u sheegay wargeyska in goobta taariikhdeeda laga soo bilaabo ilaa 3000 kun oo sanno ka hor dhalashiida Nebi ciise. Waxa uu intaa ku daray in goobta daahfurkeeda ay lahaayeen khubaro Faransiis ah oo baadhitaano ku sameeyey.

‘’Goobtan Laas-geel waxay magaceedu tilmaamayaa meel Laas ah oo Geelu ka cabi jiray , dadka sawiradan sameeyeyna waxa la rumaysan yahay in ay ahaayeen dad reer miyi ah oo halkaa ku noolaa’’ ayuu Proessor Axmed u sheegay Wargeyska.

Professor Ahmad Ducaale Jama oo ka soo noqday dalka Sweden oo uu ku noolaa 35 sanno, waxa uu leeyahay Arkiyoolijaga iyo asaarta qadiimka ahi waxay ka mid yihiin ilaha dhaqaalaha,laakiin waxa uu sheegay in aan weli loo soo jeesan, dawladuna waxay ku foogan tahay waxyaabo kale oo mudnaanta la siinayo.

Laas-Geel waxa bishii booqda 100 dalxiise oo shisheeye ah, oo soo mara wasaarada, laakiin wargeysku waxa uu leeyahay waxay noqon kartaa goob dalxiis soo jeedasho leh, oo dhaqaale iyo shaqo abuur dalka u soo jiidi karta dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply