Wasaaradda Maaliyadda oo Daah Furtay Nidaam Canshuureed Cusub

0
281

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa daah furtay nidaam cusub oo loo dejiyay  diiwaangelinta lanbarka aqoonsiga canshuur bixiyaha, kaasoo ay iska kaashanayaan dhawr wasaaradood.

Munaasibad lagu daah furyay barnaamijkaasi oo shalay  lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganacsiga iyo qaar ka mida ganacsatadda waaweyn ee dalka.

Yuusuf Maxamed Cabdi, wasiirka wasaaradda maaliyadda oo hadal ka jeediyay furitaanka nidaamka cusub ee diwaangelinta canshuur bixiyeyaasha ayaa sheegay in ay qorsheeyeen in nidaamka canshuur bixintu uu ku dhisnaado qaab wada tashi.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in nidaamkan cusub ay iska kaashan doonaan wasaarradaha maaliyadda, ganacsiga, arrimaha gudaha iyo rugta ganacsiga Somaliland.

Wasiirka oo arrimahaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu abuurno guddi wada jira oo laba dhinac ah,  oo wada shaqaysa, kaashana doonta rugta ganacsiga ee dalku leeyahay.

Waxaan doonaynaa qaabka canshuuraheenu in uu ku dhisnaado qaab  wada tashi ah, anagoo doonayna in aanu samayno wasaaradda ganacsiga wershadaha, dalxiiska rugta ganacsiga iyo wasaaradda arrimaha guduba nagala shaqeeyaan.

In aynu samayno nidaamka isku xidhka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo midka kale (Public private dialogue forum), kaasoo aan rejaynayo in uu aad uga qayb qaadan doono is-fahamkeena”.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  ganacsatadda dalka ku amaanay doorkii ay ku lahaayeen dib u dhiska dalka iyo abuuritsa dhaqaalaha.

Waxaanu  sheegay in ganacsatadu ay mar walba gacan ka gaystaan dhibaato kastoo dalka ka dhacda, isla markaana ay ku aamanan yihiin kaalinta muhiimka ah hawlahaasi ka qaataan.  “Lama dafiri karro, lagamana abaal ka dhici karo, indhahana lagama tiri karaayo in ay ganacsatadu ay qayb libaax ka qaadatay ganacsatadu qaranka dhismihiisii iyo dib-u-habayntiisii iyo dib-u-noolayntiisiiba, taana la iskama dafiraayo.

Waana mid jirta in mar kastoo ay xaaladi timaado, ama mid duruuf abaareed keentay ha ahaato, ama waxyaabo kale-ba ha dhacaane, in aanay ganacsatadu ku ekaanin oo keliya in aad xafiisyadiina iyo bakhaaradiina iyo ganacsigiina ku koobnaataan iyo inta yar  ee canshuurta ah ee la idinka qaado, balse in aad arrimahaasina qayb weyn oo muhiim ah ka qaadataan, taasina waanu idinku amaanaynaa”ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha.

Waxa kaloo isna munaasibadaasi ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, oo sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay mudnaanta kowaad siiso markay qandaraasyadda bixinayso ganacsatadda canshuur bixiyeyaasha ah.

“Ganacsatadu waa awoodda dhaqaale ee ugu weyn ee dalka, marka qandaraaska la bixinayo  waa in ganacsatadda canshuur bixiyeyaasha ahi ay mudnaanta kowaad leeyihiin, oo aanay dawladda u sinaanin” ayuu yidhi Maxamed Shurki.

Geesta kale waxaa iyagna halkaasi hadal ka jeediyay wasiirka ganacsiga iyo masuuliyiin kale kuwaasoo dhamaantoodba si isku mida u qiray in nidaamkan cusub ee canshur ururintu uu yahay mid aad u muhiima, isla markaana si aada loogu baahnaa xiligan.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda maaliyadda ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay qaar ka mida ahaa ganacsatadda waaweyn ee dalka oo xafladaasi joogay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply