Xarun Nooceedu ku Cusub Yahay Somaliland oo Laga Hirgeliyay Hargeysa

0
311

Hargeysa (Dawan) Wasiirku xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyada mudane Maxamed Daahir Axmed Fure ayaa daahfuray xarunta mihnadlayaasha xisaabadka Somaliland, iyada oo ujeedada loo furayna ay tahay in dalka laga helo hab xisaabeed daahfuran.

Dhanka kale agaasimaha xarunta xirfadlayaasha xisaabadka Somaliland mudane Xamse Muxumed Faarax ayaa sheegay in sababaha ay u aasaaseen xaruntani ay tahay sidii wadanka loogu helilahaa xisaabiyayaal tayo leh oo aqoontooda xisaabeed ay tahay mid dhisan.

Daahfurkii munaasibada oo ka qabsoontay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta xaruntani, xubno ka socday xukuumadda talada heysa iyo marti sharaf kale iyo hay’addaha ay wada shaqeynta leeyihiin wasaaradda maaliyada.

Agaasimaha xarunta mihnadlayaasha xisaabaadka Somaliland oo ugu horeyn munaasibadii daahfurka ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ay u aasaaseen xaruntani waxaanu yidhi “Xaruntan amase Instutekan aynu furaynaa, waxaa uu noqon doonaa mid wax badan u soo kordhiya wadanka tayada waxbarashada wadankana inoo hagaajiya, laba midba waa uu isu dulsaaran yahay, waata koobaade xisaabiyayaasha si gaara ayuu u daryeeli laha dhismaha aqoontooda ee uu meel sare u gaadhsin lahaa, waa mida labaade waxaa uu noqon doonaa agab ay isticmaalan dawlada iyo laamaha kale ee gaarka loo yahayba, una fududeeya hawlahooda shaqo, meelo badan ayuu ka jira, kanina waxaa uu noqon doona maxad bixiya CPJS wadamada jaarka inala ah oo dhamina way wada leeyihiin sida Kenya, Yugaandha, tayada waxbarashadana wax weyn ayuu ka qaban doonaa, anagu waxaa aanu dajin doonaa heerka aqooneed ee ay gaadhan dadka xisaabiyayaasha ahi dadkiina inay tababartaan oo imtixaanadii ay baasan waxaa ay noqoneysaa in jaamacadaha dalku ay bixiyaan culuuntuna waa mid ay bixinayaan jaamacadaha wadankeena ka jira, hase ahaate anagu waxaanu qaadaynaa imtixaanka, cidii imtixaanka ku soo baxda uunbaanu siin doonaa darajada ay aqoontani leedahay, waxaanay tani ka furan doontaa qofkii in wadan dibadeed uu u doonto aqoontii amase halka uu taagan yahay, waxyaabaha aanu maxadkan ku soo kordhin doono waxaa ka mida in la sameeyo buug kaliya ka hadlaya cashuuraha Somaliland, oo qofkiina imtixaan lagaga qaado cashuuraha Somaliland waxaanay qofkii u suuragalineysaa in kanbaniyadeenan jiraa ay cashuur celin soo sameeyaan”

Gudoomiyaha maxadka shaqaalaha dawlada mudaneb Guuleed Saleebaan Hagoog oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xaruntani qayb ka qaadan doonta koboca dhaqaale ee wadanka waxaanu yidhi “Marka hore aadbaan u soo dhaweynaynaa in la sameeyo maxadkan xirfadlayaasha xisaabadka Somaliland, noqonayana meel kor loogu qaado aqoonta iyo xirfada xisaabaadka, wadankuna aadbuu ugu baahnaa in la mideeyo qayb weyn ayaanay ka noqoneysaa in dakhliga wadanku kor u kaco, oo kanbaniyadu marka ay xisaab xidhsameeyaan ay u soo sameeyaan dad la aqoonsan yahay, shahaadana u sitana oo lala xisaabtami karo, ilaa ay dadkaasi u soo sameeyaana aanay qoladan cashuuraha barigu ka qaban cashuurihii loogu talo galay, sababto ah imika ma cada xisaab xidhada la soo sameeya inay yihiin dakhligii dhabta ahaa iyo in kale, taasina waxaa ay kor u qaadi doontaa dhaqaalaha wadankan waxaanay shaqo abuur u noqon doontaa, dhalinyarada maxadkani ka soo baxa amase qaata shahaadadan, aadbaanu u soo dhaweynaynaa waxaanay kor u qaadi doonta tayada waxbarashada ee qaranka waxaa ay kor u qaadi doontaa dhaqaalaha qaranka, anaguna hadii aanu nahay bahda waxbarashada qayb weyn ayaanu ka qaadan doonaa oo waanu soo dhaweyn doonaa, waana wax mar horeba loo baahnaa, waxaana loo baahan yahay inaynu si fiican u fadhiisino”

Axmed Daa’uud Xisbiyaha guud ee qaranka ayaa xusay maada xisaabadku xudun yahay dhaqaalaha wadanka inay siweyn u soo dhaweynayaan daahfurka xaruntani waxaanu yidhi “Maxadkan hore ayaynu ugu baahnayn in loo furo, hadii laakiin maanta inoo hirgalay oo furitaankiisi kow ka yahay, waxaan aad iyo aad ugu hanbalyeynayaa raga soo abaabulay iyo kuwa madashan maanta isugu keen keenay, waanan ku hanbalyaynaya cidii ikhtiraacday maxadkan xirfadlayaasha xisaabadka Somaliland, maad xisaabadku xudun u yahay dhaqaalaha waxaan rajeynayaa inaanu si mug leh iskaga kaashan doono ururkan waxqabadkiisa la wada wadaagi doono”

“Anaga farxad weyn ayay noo tahay inaanu ka soo qayb galo daahfurka xarunta mihnadlayaasha xisbaadka ka soo qaybgalo, taasi oo qiimo weyn ugu fadhida in la helo Somaliland horumarsan, xisaabadku waxaa uu mihim u yahay horumarka dhaqaalaha, iyo in la helo maalgashi gudaha ah iyo maalgashi dibadeed, waxyaabaha loo baahan yahay waxaa ka mida in wadankaasi leeyahay wadooyin, tamar jaban, shaqaale xirfadleh leeyahay, waxaa iyana mihiima inuu wadanku leeyahay nidaam xisaabeed oo daahfuran, una dhigma ka caalamka, anaga ka xukuumad ahaan waxaa naga go’an in la helo nidaam daahfuran oo maaliyadeed, haday dawlada tahay iyo haday tahay shirkadaha gaarka loo leeyahayba”Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka homarinta maaliyada mudane Maxamed Daahir Axmed Furre.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply