Farmaajo oo Caddaystay Dagaalka Gardarada ah ee Somaliland Lagu Soo Qaaday

0
264

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Framaajo oo in badan dafirsanaa in uu duullaan ku soo qaaday Somaliland, isla markaana ciidankiisu ay ka dagaalameen deegaanka Tukaraq ee jiidda hore ee fadhiisimada ciidanka qaranka ee gobolka Sool, ayaa u adkaysan waayay baaxadda qasaaraha laxaadka leh ee ciidankiisa iyo ka maamul goboleedka federaalkiisa ka tirsan ee Puntland ka soo gaadhay iyo dhaawaca xad dhaafka ah ee ciidankooda soo gaadhay waxaanu diyaarad Garoowe kaga daabbulay dhaawicii boqolaalka kor u dhaafay ee ciidankiisa oo uu geeyay caasimadda lagu waardiyeeyo ee Muqdisho isla markaana la dhigay cisbitaalka Turkigu maamulo ee Digfeer halkaas oo uu ku soo booqday dhaawicii duulaanka gardarada ah ku soo qaaday Somaliland ee ciidanka qaranku jawaabta adag siiyay.

Booqashada dhaawaca Muqdisho la geeyay ee Farmaajo oo ahayd dhiirri gelin iyoin uu xaaladdooda soo eego ayaa ka dambaysay ka dib markii maaxda maamulada Soomaaliya ay ku kala jabeen isla markaana ku kala qayb sameen dagaalka lagu soo qaaday Somaliland ooay ka soo hor jeesteen madaxda sadex Maamul goboleed oo ka mid ah dawladda Federaalka Soomaaliya halka ay isku raaceen madaxda laba maamul goboleed iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Taasoo sababtay in uu si cad u muujiyo madaxweyne Farmaajo in uu dagaalka ku jiro oo uu Puntland u caddeeyo in uu ku garab taagan yahay in Somaliland lagu duulo.

Madaxda Maamul goboleedyada Hirshabelle,Galmudug iyo Koonfur galbeed,ayaa si cad u diiday in ciidamo ay leeyihiin ay ka mid noqdaan ciidanka la soo uruuriyay ee Somaliland ku soo duulay,waxaanay taa bedelkeeda madaxda sadexdaa Maamul goboleed ay ku hanjabeen haddii aan la joojin duullaanka lagu qaadayo Somaliland in ay iyaguna soo raaci doonaan Somaliland.

Halka madaxda maamul goboleedka Jubaland ay ku raaceen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Cabdiwali Gaaska Puntland in ay kuladhimanayaan dagaalka lagu qaadayo Somaliland.

Waxaanay ka dalbadeen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo in aanu duullaanka Somaliland lagu qaadayo aanu waxba kala hadhin oo uu ciidan,hub,gaadiid dagaal iyo dhaqaaleba in uu ku taageero Puntland.

Waxaanay taasi keentay dagaalka Somaliland lagu soo qaaday in ay ku wada socdaan Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweynaha doorasho ka orodka ah ee Puntland,waxaana Somaliland weerar ku soo qaaday ciidanka ka kooban ciidanka gaarka ah ee Farmaajo,kuwo laga keenay Jubaland iyo kuwii Puntland oo wada socda waxaana dagaalka hoggaaminayay sarkaalkii abbaanduulaha ka ahaa ciidanka Puntland oo lagu magacaabi jiray Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse oo dagaalkii dhacay khamiistii ku geeriyooday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayay qasab ku noqotay in uu u adkaysan waayo jabka iyo qasaaraha baaxadda leh ee soo gaadhay ciidankiisa isla markaana cisbitaalka Garoowe oo awood u waayay dawaynta dhaawaca boqolaalka askari kor u dhaafay ay ku qasabtay in uu diyaarad gaar ah u soo diro oo uu geeyo cisbitaalka Digfeer ee Muqdisho kuna soo booqday halkaas isagoo u muujiyay in ay u dhinteen wuxuu ugu yeedhay qarannimada Soomaaliyadaisagaba lagu waardiyeeyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply