Masuuliyiinta Gobolka Awdal oo Dalbaday in Gurmad lala soo Gaadho

0
267

Boorama (Dawan)- Masuuliyiinta gobolka Awdal, ka degmadda Boorama iyo madax dhaqameedka gobolkaasi ayaa ku baaqay in gurmad ballaadhan lala soo gaadho dadkii ay duufaanta iyo roobabkii dabaylaha watay ku dhufteen ee goboladda galbeedka dalka.

Xubnahaasi kala duwan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama, waxay sheegeen in la mideeyo gar-gaarka la doonayo in dadka degaamadaasi la gaadhsiiyo, isla markaana lagu soo hagaajiyo guddiga taakuladda ee gobolka Awdal.

Duqa degmadda Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, oo halkaasi baaq ka jeediyay waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ka diraynaa baaq, baaqaas oo ah in dadka wax soo diraya ee muslimiinta ah, ee Soomaaliyeed ama Somaliland ama wadamadda aynu jaarka nahay ah, in wixii caawimo ah ee ay soo dirayaan ay ku soo hagaajiyaan guddiga taakulaynta abaaraha gobolka Awdal”ayuu yidhi Maxamed Xuseen Maydhane.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Sababta aanu sidaas u leenahay waxay tahay si aanu is-dhex yaac iyo habqan u noqon aanay u dhicin. Waxaanu mar labaad ugu celinaynaa dadweynaha degmadda ku nool in ay mideeyaan waxay bixinayaan, ayna ku soo hagaajiyaan guddigii hore ee wax inoo kaydisay ee guddiga taakulanta abaaraha iyo dhibaatooyinka ee gobolka Awdal”.

C/raxmaan Nuur Sugaal, badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal ayaa si gaara fariin ugu diray ganacsatadda gobolka Awdal in ay kaalin muuqata ka qaataan taakulaynta bulshadda roobabka iyo dufaanta dhibaatadu ka soo gaadhay.

“Waxaan si gaara ula hadlayaa tujaarta gobolka Awdal, waxaanan leeyahay waa bishii barakaysnayd ee ramadaan ee sekadda la bixinayay wixii aad bixin kartaan waa in dadkaasi lagu soo caawiyaa”ayuu yidhi badhasaab ku xigeenka Awdal.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo isna ka mid ahaa madax dhaqameedkii shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ku taliyay in cid kastoo danaynaysa in ay ka qayb qaadato caawinta dadkii dufaantu ku dhufatay in ay ku soo hagaajiyaan guddiga taakulaynta ee gobolka Awdal.

Waxaanu yidhi suldaanku “Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaanba dadweynaha muxsiniinta ah ee caawinta dadkaasi danaynaya in wixii ay bixinayaan ay ku soo hagaajiyaan accounta lanbarka guddiga taakulaynta Awdal”.

Dhinaca kale guddiga taakulaynta ee gobolka Awdal ayaa waxay shalay caawimo kala wareegeen xafiiska wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ee gobolka Awdal, lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen macalimiinta mushaharka dawladda ka qaata ee gobolka Awdal iyo shaqaalaha kale.

Sheekh Maxamed Daahir Dhawal, oo ah guddoomiyaha guddiga taakulanta Awdal oo ka isuduwaha wasaaradda waxbarashadda Awdal kala wareegay ayaa uga mahad celiyay xafiiska wasaaradda waxbarashadda caawimadda ay guddigoodda soo gaadhsiiyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply