Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo la Kulmay Wakiilada

0
299

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland iyo taliyaha ciidamada qaranka, ayaa kulan ballaadhan la qaatay guddiga amniga iyo difaaca ee golaha wakiillada jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ay yeesheen labada dhinac oo saacado badan qaatay, ayaa si weyn loogaga hadlay, sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka iyo xasiloonida qaranka, meelna looga soo wada jeedsan lahaa wixii qaranka dhib ku ah iyo sidii loo soo afjari lahaa xaalka taliye Caarre.

Kulankaasi iyo waxyaabihii lagaga wada hadlay ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda u faahfaahiyey guddoomiyaha guddidaasi Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) iyo wasiirka gaashaandhiga Eng, Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), kuwaasi oo si isku mid ah uga wada hadlay in muhiimada shirku uu daarranaa xoojinta amniga qaranka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo sheegay ka xukuumad ahaan, in markasta ay si buuxda ula shaqaynayaan qaybaha kala duwan ee hayadaha dawlada oo guddiga amniga iyo difaaca golaha wakiilladu ay qayb ka tahay. waxaana hadaladisii ka mid ahaa ‘’waxaannu aniga iyo taliyaha ciidanka qaranku aannu kulan la qaadanay guddiga amniga iyo difaaca ee golaha wakiillada oo ah guddiga khaas ahaan aanu isku hawsha nahay.

Waxaannu ka wada hadlany marxalada uu dalku marayo, in inaga oo muddo 27 (todoba iyo labaatan) sannadood qaran ahayn, in maanta ay jabhado samaysmaan, wax fiican maaha. waananu dhamaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan’’

Leave a Reply