Xildhibaan Tilmaamay Waxqabadka iyo Guullaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse

0
322

London (Dawan) Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland, ayaa taxay oo faah faahiyay guulaha deg degga ah ee ay dalka ku hoggaamisay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu tilmaamay in hannaanka dawladnimo oo la hagaajiyay, ay wax badan ka tartay horumar dalku ku tallaabsado iyo isku xidhnaanta laamaha dawladda oo si fiican u hana qaaday. isla markaana wada shaqayn wanaagsan ku hawlgalay.

Xildhibaan Maxamed Obama, waxa kale oo uu intaa raaciyay in qorshaha xukuumadda ee ah in dalku shidaalkiisa la soo boxo sannadka dambe in ay tahay tallaabo weyn iyo waxqabad ay xukuumaddu la timi

Xildhibaan Obaama waxa uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga qaranka Somaliland, ugu horrayna isag oo ka hadlyay waxqabadka deg degga ah ee xukuumaddu dalka ku hoggaamisay, waxa uu yidhi “Somaliland 27-sannadood ayay jirtay, waxaa ugu weyn ee qarankeenu diirada saaraa waxa uu yahay, ee madaxweyne kasta oo yimaadaa uu ballanqaadaa, waxay ahayd in xaduudaha la gaadho, isla markaana hore loo socdo, lana helo Somaliland mideysan.

Guusha ugu weyn ee aynu gaadhnay waxay tahay oo lagaga dhabeeyay in hore loo socday, oo xuduuddeenii meeshi aynu taagneyn meel ka fog ayaynu gaadhnay. waana 40- KM, waxaa maanta Garoowe iyo Tukaraq loo kala socdaa, iyada oo beesha caalamku ka soo horjeesatay, hadana waxa ay Somaliland ku adkeysatay in gaadho xuduudeena.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “meelaha waddan laga qiimeeyaa waa miisaaniyadda. Al-xamdullilaah si wanaagsan ayay u socotaa miisaaniyaddeenu, mana nihin dad miisaaniyadooda la kabo. dad meel kale wax uga yimaadan ma nihin, xukuumadda boqolkiiba afar iyo sodon ayay korodhay miisaaniyadeedii.

Guusha kale ee ay gaadhay, waa in ciidamadii mushaharaadkii loo kordhiyo. Sababta oo ah waa cidda sugta nabadgeliyadeena. markaa waa in mar walba la qiimeeyaa.

Meelaha aan marnaba la ilaawi karin ee madaxweynahani diiradda saaray waa beeraha, waana meelaha ugu miisaaniyadda badan wadanka, sababta keentayna waa in wadankani beertaa waxa uu cunayo, hadhuudhka aad cuneyso waa in aad beerata, bariiska aad cuneyso waa in aad beerataa, baradhada waa in aynu beeranaa, basasha waa in aynu beeranaa, waana waxyaabaha u baahan in hoos loo eego inta hadalka iyo siyaasadaba leyska daayo, guusha kale ee la dhameystiray iyana waa Baadroolkii oo la dhameystiray iyada oo aheyd shaqo la dhameystiray oo imikana xukuumadan hada joogtaa ay dhameystirtay oo hada la leeyahay waanu ku taagaynaa oo waanu ku dhufaneynaa ceelka u horreeyay 2019-ka. wasaaradda caafimaadku 50 MCH ayay sameysay taas oo dabooshay baahidii loo qabay in la helo goobo dhalaanka iyo hooyada lagu daweeyo, waxaa ugu weyn ee keenay in waxqabadka intaa leeg la qabtaana waxay tahay madaxweynaha oo hagaajiyay nidaamkii dawladdnimo. nidaamka dawladdnimo oo hana qaaday iyo wasiirkii iyo wasiir ku xigeenkii oo si joogta ah u wada shaqeynaya”

Xildhibaan Obama waxaauu farriin u diray xildhibaanada bedeli doona golohoodaee noqon doona mudaneyaasha soo socda,waxaanu yidhi “Xildhibaanada iman doonaa ee isa soo sharraxaya waxaan u soo jeedinayaa inay ugu talagalaan inay xildhibaan qaran noqdaan, inay xildhibaanno dalka u shaqeeya ay noqdaan, in ay aaminsaanaadan in wadanka ragii ugu sareeyay ay yihiin aaminsanaadan in ay madaxweynaha ka sarreeyaan, ay aaminsanaadan inay wasiiradda ka sarreeyaan oo ay kalsooni isku qabaan waayo kalsoonidu waa muhiim, una soo diyaar garoobaan inay dalka u shaqeeyaan oo ay horumar sameeyaan”

Leave a Reply