Gebilay: Shil Gaadhi oo Sababay Khasaare

0
502

Gebilay (Dawan)- Alle ha u naxariistee waxaa shil gaadhi ku geeriyooday wiil dhallinyar ah oo ka gudbaayey laamiga halbowlaha ah ee dhexmara magaalada Gebilay, ka dib markii uu jiidhay gaadhi booyad ah oo si xawliya u socday oo halkaasi ku qalibmay.

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka ee Gebilay ayaa warbaabinta uga warbxiyey sida uu shilku u dhacay isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gebiley, waxa ka dhacay shil gaadhi oo aad u fool xun, waxaana ku dhintay wiil dhallinyar ah oo marayey gudaha magaalada, gaadhiga ayaa ku socday xawaare saa’id ah oo qayrul masuulnimo ah, qofku gaadhiga ma saarnayn ee laamiga ayuu maraayey oo uu ku jiidhay.

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gebilay oo goob jog ka ahaa halka shilku ka dhacay ayaa sheegay in gaadhigu u socday si xawli ah, taasi oo sababtay in uu googo’o jidhka marxuumka geeriyooday. Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gaadhigu wuu dhacay, waxaa ku dhintay wiil dhallinyar ah oo waddada marayey, waxa aan arkay taayirka hore oo hilibka marxuumku ku duuduubmay, qof waddada maraayey markaa uu qaban kari waayey oo weliba aan u dhawayn awooda ku socda waa awood intee leeg , waxa aan ugu baaqaynaa ciidanka Ilaalada waddooyinka in ay xabsiga dhigaan wade kasta oo ku socda xawaare aad u sarreeya oo ay liisanka kala noqdaan.”

Somaliland ayaa waxa inta badan ka dhaca shilal gaadhi oo sababa dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeed, waxaanay ciidanka Ilaalada waddooyinka Somaliland sheegeen in uu ku dadaalayo sidii xal waara loogu heli lahaa yaranta shilalka joogta ah ee dalka ka dhaca.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here