Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadle iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland gaar ahaan gudidda dhaqaalaha ee golaha wakiiladda ayaa sharcidaro ku tilmaamay tacriifad ay kordhisay xukuumadda Somaliland, gaar ahaana laba digreeto oo ka soo baxay wasiirka wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo uu ugudbiyay madaxweynaha qaranka Somaliland.
Kaasi oo uu ku kordhiyay warshadaha iyo bileydhadda baabuurta waxaanay xildhibaanadani sheegeen inay sharciga baalmarsan tahay labadani digreeto.
Waxanay xildhibaanadani sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen gudaha magaalada Hargeysa.
Ugu horeyn Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Cashuuruhu wax jeebka wasiirka maaliyadda ku jira maaha ee waa wax umada oo dhan ka dhaxeeya sidaasi darteed madaxweyne qaabkan uu labada wareegto ee midina tahay gaadiidka midina tahay warshadaha uu xafiiskaaga u soo galiyay wasiirka maaliyaddu waa qaab aan danta guud ee umada iyo warshadaha midna u dan aheyn oo aan waafaqsaneyn shuruucda iyo nidaamka dalka, sidaasi darteed waxaanu kaa codsaneynaa madaxweyne inaad joojiso”
Xildhibaan Siciid waxaa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in balanqaadkiisi ahaa sareynta sharcigu u noqdo mid shaqeeya oo lagu dhaqmo sharciga waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ka gole ahaan iyo ka gudi ahaanba waxaanu leenahayb sharci maaha wax allaale wixii tacriifadd kub saabsan, ama takaaliifa ee xukuumaddu soo rogeyso, golaha wakiiladda oo kaliya ayaa sharci u leh inuu jideeyo, waa arrin dastuuriya xataa xeer maaha, subax inta uu wasiir iska soo tooso inuu yidhaaho lacagtii intaasi ayaan ku darsadday, waa qayral masuulnimo ee sharciga halagu soo noqdo, ollolaha waxaanu ku galay anaga oo KULMIYE ah madaxweynahana balanqaadkiisii u horeeyay ahaa in uu sharciga ku dhaqmayo, madaxweyne sharciga halagu dhaqmo, wasiirku wareegtadan uu soo saaray waa qayral dastuuriya”
“Sidoo kale qodobka ku saabsan warshadduhu waxaa uu ka hor imanayaa, dantii guud, imika dee malaha waanay lamaba soo marin wasiirke ta ugu badani boqolkiiba sodon ayay awoodii ay ku shaqeyn laheyd oo shaqo ah ayay qabataa”Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland
Halkan Ka Daawo





















