Tartankii Imtixaanka Kaalmihii Shaqo ee Dowlada oo la soo Gabagabeeyay

0
424

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda shaqaalaha Dowladda ee Somaliland, ayaa gobolka Maroodi Jeex si rasmi ah uga bilawday tartankii loo gelaayey Imtixaanka 50 Kaalmo shaqooyin ee dowladdu ka qaadanayso aqoonyahanka gobolka ku nool oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista laga kala qaadayo tartanka Imtixaankaasi Kaalmaha shaqooyinka dowladda ka banaan loo geleeyo.

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Saraakiisha kale ee hay’adda shaqaalaha dowladda, ayaa Xarunta Hoolka Hay’adda shaqaalaha ee dawladda Arbacadii Shalay waxay gobolkii 6aad oo Maroodi Jeexa si rasmi ah uga daahfurtay Imtixaan laga qaadayo wiilasha iyo gabadhaha gobolka tartan Imtixaan u geli doona 50 kaalmo shaqooyin oo dowladda ka banaan,

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo Xarunta hay’adda shaqaalaha khudbad dardaaran iyo talooyin ah u jeedinaayey macalimiinta loo dhaariyey inay Imtixaanka ka qaadaan aqoonyahanka Wiilasha iyo Gabdhaha ee gobolka Maroodi Jeex ugu tartami doona 50 kaalmo shaqooyin ayaa yidhi “Tan iyo intii kaalmo Shaqo oo gaar ah kooto loogu xidhay tartamayaasha gabdhaha ah ee dalka waxaa kor u kacay; fursada guusha, helida degaan u saamaxa tartan hufan hablaha iyo niyada soo xaraysiga shaqo ee gabdhaha wax bartay ee reer Somaliland, taasi waxa ay ilaa imika fursada guusha siisay 75-kii gabdhood ee gobol walba ugu sareeyey dhanka gabadhaha halka tartanka Gobolka Maroodi-jeex oo isna maanta bilowday ay guulaysan doonnaan 15-ka hablood ee ugu sareeya tartamayaasha gabdhaha. Tallaabadan kor loogu qaadayo daah-rognaanta tartamada iyo qiimaynta qalinka ayaa qaranka u horseedi doonta helida shaqaale haboon oo tartan hufan kusoo baxay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply