Xukuumadda oo Xaddidaysa Saacadaha Shaqadan ee Gaadiidka Dawladda

0
414

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa hirgelinaysa qorshe lagu illaalinayo oo lagu xaddidayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka dawladda oo aan imika lahayn saacado shaqo oo u go’an.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay sannadka 2019-ka in ay samaynayaan qorshe lagu dhaqan-gelinayo siyaasadda gaadiidka dawladda lagu dhaqayo, isla markaana ay ku shaqayn doonaan.

Waxaa uu wasiirku caddeeyay in ay wadaan sidii gaadiidka dawladda looga illaalin lahaa dayac badan oo ay hadda ku sugan yihiin iyo saacado shaqo go’an oo aanay lahayn hadda balse ay u samayn doonaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaauu yidhi. “Waxa jira siyaasadda gaadiidka dawladda, dhab ahaantii gaadiidka dawladdu way dayacan yihiin, shay kastaana waxaa uu u baahan yahay in la daraasadeeyo, waxaanay wasaaraddu daristay gaadiidka dawladda tiradda iyo tayadiisa, maanta (shalay) waxaynu heynaa tiro iyo tayaba.”

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in dhammaadka sannadkan ay dhagangelinayaan siyaasaddii gaadiidka dawladda, waxaanu yidhi “Wajiga labaad ee aynu u gudbayno sannadka 2019-ka, haddii ILLAAHAY yidhaahdo waxaa weeyaan in aanu dhaqangelino siyaasaddii gaadiidka dawladda, waxaananu ku bilaabeynaa toban wasaaraddood in gaadiidkooda iyo dayactirkiisa, shiidaal siintooda iyo ilaalintoodaba in wasaaraddu si toosa ula wareegto.”

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in ay soo saari doonaan wareegto lagu xaddidayo dhaq dhaqaaqa gaadiidka dawladda, waxaanu yidhi. “Waxaanu soo saari doona Insha ALLAH wareegto lagu xaddidayo saacaddaha shaqada ee gaadiidka dawladda waxaynu u taagannahay bal in aynu wax ka bedello dayaca badan ee ka muuqda gaadiidka dawladda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply