Madaxweynaha JSL oo Qaabilay Wefti Xildhibaanno Reer Jabuuti ah oo Dalka u Yimi Ka-qaybgalka Munaasibaddii 18-ka May

0
710

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanno ah oo ka socda waddanka Jabuuti, kuwaas oo qayb ka ahaa wefti ballaadhan ka socday jabuuti oo dalka u yimi ka-qaybgalka munaasibaddii qaran ee 18-ka May oo si ballaadhan looga xusay guud ahaanba waddanka Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si mug leh uguga mahadnaqay weftiga xildhibaannada ah ee ka socda waddanka Jabuuti sida ay xilkasnimada iyo walaaltinimada leh ee ay shacabka reer Somaliland ugala qaybgaleen munaasibadda qaran ee 18-ka oo ah maalin ay guud ahaanba bulshada Somaliland si weyn ugu dabbaal-degto dib ula soo noqoshada qaranimadooda.
Xubnaha weftiga, ayaa dhankooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey dhambaal hambalyo iyo salaam ah oo ay ka sideen madaxda kala duwan ee dalka Jabuuti, waxana ay madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku ammaaneen Dimuqraaddiyadda iyo xasilloonida ka hana-qaadday dalka oo ku sifeeyeen mid tusaale u noqon karta dalalka geeska Afrika iyo guud ahaanba caalamka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimada, derisnimada, ganacsiga iyo dublamaasiyadda ku dhisan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Jabuuti, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay taabbo-gelinta xidhiidhkaas iyo ka midho-dhalintiisuba.

Weftiga xildhibaannada ah ee ka socda dalka Jabuuti, ayaa kamid ah wufuud kala duwan oo waddamo badan oo adduunka ah ka kala socotay, kuwaas oo dalka u yimi inay shacabka kala qayb-galaan dabbaal-degga munaasibadda qaran ee 18-Ka May, waxana kulankan madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 10 people, indoor

Image may contain: 2 people, people standing and weddingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and weddingImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, living room and indoor

Leave a Reply