Kharashka Dunida Kaga Baxa Eyda!

0
515

Dalalka Dunida oo dhan guud ahaan xayawaanka Eydu way nool yihiin. Dalka  Maraykanka waxa ku nool noocyo kala duwan oo Ey ah, kuwaasi oo tiradooda lagu qiyaasay 58 milyuun oo Ey.

Tirada dadka Maraykanka ah ayaa lagu qiyaasaa 317 malyuun oo qof, waxaana taasi ay ka dhigtay Eyda ku nool in lixda qof ee Maraykan ahba uu Hal Ey ku soo beegmayo, taasi oo muujinaysa badnaanta Eyda ku nool dalkaasi.

Waxa kale oo iyana jirta in daryeelka Eyga keliya uu sanadkii ku baxo celcelis ahaan kharash dhan $ 1270 dalka Maraykanka, waxaana uu noqon karaa mid ka badan ama wax yar ka hoosayn kara, iyadoo taasina ay ku xidhan tahay hadba nooca Raashinka iyo  daryeelka caafimaad ee uu qofku ku bixiyo Eyga. Haddii Eygu xanuunsado waxa dhici karta in kharashka ku baxayaa uu ka bato kharashka loo qiyaasay.

Guud ahaan dunida ayaa iyadana la cadeeyay in kharashaadka lagu bixiyo xayawaanada Eyda iyo Bisadaha ay gaadho sanadkii 11 biliyan oo Doller, iyadoo dhinaca kalena ay dunida ku nool yihiin dad Aadami ah oo sabool ah isla markaana aan haysan nolol maalmeedka iyo weliba kuwo gaajo iyo macluul u dhimanaya.

Leave a Reply