Aniga Keligay Ayaa Shaqadii Loo Diiday!

0
463

Jack Ma oo dalka China ka soo jeeda wakhtigan waa ganacsadaha ugu taajirsan qaaradda Aasiya, waana ninka 14aad ee dunida ugu maalqabeensan. Jack Ma  sanadkan 2017  ayuu kaalinta labaad ka galay abaal marinta la siiyo 50 hogaamiye ee dunida ugu wanagsan oo lagu bixiyo Newyorka ee dalka Maraykanka.

Jack Ma waa asaasaha Websiteka Ali Baba waxaana hantidiisu sanadkii 2019 ay gaadhay 56.8 Billion  doller,

Jack Ma wuxu noqday ganacsatada ugu waaweyn dunida uguna saamaynta badan.

Jack Ma intii aanu abuurin shaqada ganacsiga wuxu codsaday soddon goobood oo kala duwan in laga shaqaaleeyo laakiin dhamaantood waa laga diiday in la shaqaaleeyo, taasi ayaa ku dhalisay in sanadkii 1995  oo ahayd markii uu Inernetku sida weyn u faafay inuu bilaabo website Ali Baba.

Jack oo ka waramay fikirkan waxa ku dhaliyay wuxu yidhi:  “waxaan shaqo u doontay shirkad magaaladayda ku taalla KFC waxay qaadatay 23 shaqaale aniguna waxaan ahaa kan keliya ee ay diiday inay hawlgeliso oo shaqo siiso, wakhtigaasi waxaan goostay inaan sameeyo hawl aniga ii gaar ah, waana fikirka bar bilwoga u ahaa maalqabeen inaan noqdo. Dadaalkayga ayaan halkan ku soo gaadhay.

Leave a Reply