Nuxurka Farriin Madaxweyne Biixi u Gudbiyay Wakiilka UN-ka ee Somaliland iyo Soomaaliya

0
630

“Waxaanu wakiilka u sheegnay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka iyo deeqaha laga helo UN-ka iyo dalalka kale ee caalamka ”… faratoon

 “Waxaa naga go’an in aan sii wadno hawlaha shaqo iyo mashaariicda aanu ka wadno Somaliland waanan uga mahad naqaynaa sida habsamida leh ee aanu u wada shaqayno”… James Swan

Qore:Khadar Cabdi Muuse

 

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo James Swan, oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada ayaa diirradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay u dhexeeya iyo dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamku ba kaga jiraan horumarka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyay in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u guntay farriimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.

Waxaanu yidhi,“Waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay. Arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen. Arrimaha ugu muhiimsan na waxaa ka mid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay ka mid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay,  oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso.

Haddii ay tahay dhulkeeda, Baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeeda ba, mid walba na ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa”.

Wasiirku isaga oo hadalka sii watay ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamku ba bixiyaan iyo sida ay qaran ahaan u saluugsan yihiin.

“Waxa kaloo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan ugu gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira.

Haddii ay tahay dhinaca dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha,  uu mid walba saluug badani nagaga jiro waxtarka caalamka” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu  sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, isla markaana ay ka dhammaysatay khilaafkii jiray.

Isagoo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la gar-naqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan, oo isna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa u caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland.

Waxaanu wakiilku sheegay in ay xukuumadda Somaliland uga mahad naqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta Maaliyadda.

 

 

Leave a Reply