Xukuumadda Somaliland oo Mashaariicdii ugu Badnayd Sannadkan 2020-ka Ka Fulinaysa Gobolka Sool

0
578

Qore:: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan)-: Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in sanadkan 2020-ka mashaariicdii horumarineed ee ugu badnaa ay ka hirgelinayso degaamadda gobolka Sool. Kuwaasoo dhaqaale fara badani ku baxayo.

Mashaariicdaas oo gaadha illaa 15 mashruuc ayaa isugu jira dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ciyaaraha, dhismeyaal garoomo, waddooyin, xafiisyo iyo xarumo dawladeed iyo qaar kale.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Togdheer Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, kadib safar shaqo oo uu muddo todobaad ah ugu maqnaa caasimadda Hargaysa.

Waxaana mashaariicdaas ka mid ah mashruuca loo yaqaano JPLG-ga ee isku xidhka dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka, kaasoo magaalooyinka sannadkan lagu daray ay ku jirto magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu horayn bulshadda gobolka Sool gaadhsiiyay salaan iyo mahad naq uu uga siday madaxweynaha Somaliland.

Isagoo sheegay in madaxweynuhu ku ammaanay bulshadda Sool sidii wanaagsanayd ee ay sanadkii tegay ee 2019-ka uga shaqeeyaan ammaanka iyo horumarinta gobolkoodda.

Guddoomiye Jiidhe, ayaa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda ugu waaweyn ee ay xukuumadda Somaliland qorshaysay in ay sanadkan ka fuliso gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxyaabaha u soo kordhay gobolkeenan Sool sannadkan 2020-ka, ee mashaariicda ah, oo qaarkood la filayo in ay todobaadkan bilawdaan. Waxaana ka koowaad ah, mashruucii aynu aadka u wada sugaynay, ee qiimaha badnaa, oo dhaqaale badanina ku bixi doono, oo ah mashruuca loo yaqaano JPLG-ga (join program for local governments).

Kaasoo Sabtida (maanta) laga daah-furi doono magaaladdan Laascaanood. Waxaana la isla qaatay in mashruucaasi qaybta goboladda Bariga lagu daah-furo magaaladda Laascaanood”.

Waxaanu intaas ku daray, “Waxa kaloo ku xiga dugsigii secondary-ga ahaa, ee guriga gobolka, dib-u-habayn ayaa lagu sameeyay, oo sanadkii hore waa la bilaabay in la dhiso. Laakiin, sanadkan waxaa la isla qaatay in gurigii hore ee uu gobolku ka soo guuray in guri caadiya laga dhigo, oo dib loo dumiyo.

Waxaa isna sanadkan la dhamaystirayaa garoonka Kubbadda cagta Laascaanood ee Cabdi Bille Cabdi, oo Tarabuunkiisa iyo wixii ka dhinaa loo dhamaystirayo.

Waxaa isna mashruuc bilaw ah oo laga fulinayo magaalada Laascaanood, oo ay xukuumadda Somaliland toos u maamulayso  Godka Qashinka oo dhaqaale badani ku baxayo ”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo hadalka sii watay ayaa sharaxay mashaariicda dhinacyadda waxbarashadda iyo dhismeyaasha xarumaha dawladda ee xukuumadda Somaliland sannadkan ka fulin doonto deegaamadda gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxaa iyad-na sannadkan la dhamaystirayaa wixii ka dhinaa jaamacadda NUGAAL University ee magaaladda Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaana ballan qaaday, maadaama oo jaamacaddu tahay mid dawli ah.

Waxa kaloo isna la bilaabayaa sannadkan 2020-ka, oo qandaraaskiisii la baahiyay, dhimsha Dab-demiska magaaladda Laascaanood. Kaasoo kharashka lagu dhisayo uu ku jiro miisaaniyadda Xukuumadda Somaliland ee sanadkan 2020-ka

Waxay toos dawladda Somaliland ula wareegtay gacan ku hayntiisa iyo maamulkiisaba dugsiga boarding-ka ah ee Laascaanood, oo markii hore hay’addo inaga caawin jireen”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Sidoo kale waxay xukuumadu caawimo toos ah u fidin doontaa cibsitaalka guud ee magaaladda Laascaanood. Iyadoo dhamaanba waxyaabihii ka dhinnaa, hadday noqoto agab, dhaqaale iyo wixii kale-ba.

Waxa kaloo dib u habayn lagu samayn doonaa, guriga madaxtooyadda gobolka Sool. Mashaariicdaas oo dhami, waa kuwo ay xukuumadda Somaliland toos u fulinayso. Higlo-caanood meesha la yidhaahdo in dayrkii loogu darro, iyana dawladdu way naga ballan qaaday”.

Ugu danbayn badhasaabka ayaa ugu baaqay dhallinyaradda gobolka Sool in ay ka qayb galaan barnaamijka  shaqo qaran oo la filayo in bisha danbe ee February la bilaabo.

“Bulshadda gobolka Sool, gaar ahaana dhalinyaradda waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan barnaamijka shaqo qaran. Waxaynu og nahay shaqo qaran in sannadkii hore  lagu badhaadhay, oo dad badan oo dhallinaro ah, oo gobolkeenan Sool ah, ay shaqo abuur ku heleen.

Sanadkan 2020-ka bisha inagu soo aadan ayaa la daah-furi doonaa barnaamijka shaqo qaran. Markaa waxaan kula dar-daarmayaa dhalinyaradda gobolkan Sool, sanadka-na in ay ka qayb galaan barnaamijka shaqo qaran”ayuu yidhi Cabdiqani Jiidhe. Guddoomiyaha gobolka Sool.

Leave a Reply