Caafimaadka Biyaha Subaxa Hore

0
638

Biyaha oo la cabo subaxa hore marka ay calooshaadu madhan tahay ayaa la xaqiijiyay inay dawo ka yihiin xanuuno badan oo jidhka ku  dhaca. Jimciyada caafimaadka ee Japan ayaa xaqiijiyay in dadka dalkaasi ay caado ka dhigteen inay cabaan subax hore marka ay toosan biyaha kuwaasi oo 100% faa’iido ay ka gaadheen.

Xanuunada ay daweyaan ayaa lasheegay inay mid yihiin madaxwareerka, kuwa wadnah, garaac xubnaha, wadnaha oo u xoog u garaac, TB, calool istaag, xanuunada indhaha , kansarka iyo xanuunad ku dhaca afka iyo hunguriga iwm.

Jimciyadada ayaa cadaysay in qofkuu baahan yahay 160 ml inuu cabo subaxii, ka dibna aanu waxba cunin mud 45 daqiiqo ah.Waxaana ay sheegeen inay tahay in qofku joogteeyo si uu caafimaad uga helo. Waxa kale oo ay sheegeen inu qofku samayn karo wakhtiyada kale sida qadada iyo cashada labadaba.

Leave a Reply