Saxaafaddu Denbiile Ayay Ka Dhigi Kartaa!

0
485

Mr,Malcolm X wuxu dhashay sanadkii 1925 waxaana uu ahaa agoon Maraykanka Madow oo Muslim ah ka dib markii aabihii la dilay isagoo 6 sano jira , hooyadiina waxay ahayd mid waalan oo Ibsitaalka dhimirka ku jirtay.

Waa Maraykan muslim oo dadaalkiisu gaadhsiiyay inuu noqdo ninka ugu magac weyn African-American dalkaasi taariikhdooda .

Xorriyadda dadka madow ayuu qayb weyn ka qaatay laakiin waxa shirqool lagu dilay sanadkii 1965 isagoo jooga Newyork.  Al-haji Malolm X. ayaa aad ula yaabay sida ay saxaafaddu wax uga qorto, iyo sida waxa ay rabaan uga dhigaan mid sax ah, iyagoo kan aanay rabina ka dhiga arrin xun oo aan loo dhowaan Karin.  Wakhtigaasi ka dib ayuu sameeyay halku dhegan uu ka yidhi :
“ Media, warfaafintu ama saxaafaddu  waa hay’adda ugu xooga weyn dunida , waayo waxay leeyihiin awoodda ah inay danbiile ka dhigaan mid beri ah oo aan waxba samayn, kana dhigaan mid aan denbi gelin oo beri  ah qofka denbiga ugu xun sameeyay , taasina waa awooodda, maxaa yeelay waxay maamusha maskaxa bulshada”.

Leave a Reply