Waa kuma Sarkaalka Madaxweyne ku-xigeenku uu ku Majeertay Shaqo-wanaaga D/hoose ee Hargeysa

0
565

“Intii aanu kormeerkaasi ku jirnay waxa aad noo soo jiitay xagga shaqo wanaaga, dadkii ka shaqaynayey dawladdaha hoose Inanka ka shaqeeya waaxda arrimaha bulshada Dawladda hoose ee Hargeysa…” Madaxweyne ku-xigeenka JSL

 

Qore: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

 

Hargeysa(Dawan)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo todobaadkii hore soo gabagabeeyey socdaal dheer oo uu gudaha dalka ku soo maray degmooyinka uu ka socdo mashruuca maamul-daadejinta Dawladdaha hoose ee JPLG-ga loo yaqaano, ayaa amaan aanu cidla la wadaajin iyo bogaadin u jeediyey Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada dawladda hoose ee caasimada Hargeysa Khadar Yuusuf Cali, kaasoo uu ku majeertay shaqo wanaag iyo in uu fuliyey waajib heerkiisu sareeyo, isagoo fahamsan shaqada uu xafiiskiisu bulshada u hayo.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa laba shir oo muhiim ah kaga dhawaaqay in Sarkaalkaasi mudan yahay in la abaal mariyo oo ugu yaraan lagu maamuso bilad-sharaf uu mutaystay, isagoo shahado-sharaftaasina ku guddoonsiiyey shir 6-dii bishan Janaury lagu qabtay qasriga Madaxtooyada, kaasoo ku sugnaayeen wakiillo ka socda dhamaan bah-wadaagta JPLG-ga oo ay kamid yihiin madax ka socday Hay’adda UNICEF iyo Wasaaraddaha Dawladda ee mashruucan la shaqeeya.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bixinta shahaado-sharaftan ka balanqaaday shir uu Madaxda dawladda hoose ee Hargeysa kula yeeshay 17 bishii December ee sanadkii hore  xarunta Dawladda hoose, kaasoo ka dambeeyey kormeer uu ku sameeyey mashaariicda laga fuliyey JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku tilmaamay in agaasime khadar uu muujiyey dedaal iyo waxqabad ka mug weyn degmooyinka kale ee uu kormeerka ku tegay.

 

“Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa dawladda hoose ee Hargeysa oo ay hogaaminayaan, maayirka, maayir ku-xigeenka iyo xoghayuhu sida ay dedaalka uga sameeyeen maamul-daadejinta JPLG-ga oo maanta wax badan laga qabtay waxbarashadii iyo caafimaadkii” ayuu ka sheegay shirkaasi.

 

Madaxweyne ku-xigeenku isagoo ka hadlaya shaqo-wanaaga Agaasime khadar waxa uu shirkaasi kaga dhawaaqay” Shaqada fahamkeeda iyo masuuliyada nin waliba inta uu ka dhigto weeyaan bina-aadamka, anigu waxaan leeyahay Ninka khadar la yidhaahdo ee waaxda arrimaha bulshada dawladda hoose ee Hargeysa halkaasaanu shahaado weyn ku siinaynaa oo abaal-marin weyn ah, sababtoo ah bina-aadamku isma qariyo oo intii aanu meel soo marnay qof waliba wuxuu lahaa waa Nin shaqadiisa ka adag oo nala joogga oo wixii loo soo dhiibay na soo gaadhsiiya, markaa waan hambalyeynaynaa Inankaa runtii shahaadana waanu siinaynaa.”ayuu yidhi.

 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo kormeerkiis JPLG-ga ku soo maray 8 Magaalo oo ay kamid yihiin, Burco, Berbera, Sheikh, Oodweyne, Saylac iyo Hargeysa, ayaa mar kale khudbad uu kaga warbixinayey natiijada kormeerkaasi ku soo qaaday “Intii aanu kormeerkaasi ku jirnay waxa aad noo soo jiitay xagga shaqo wanaaga, dadkii ka shaqaynayey dawladdaha hoose Inanka ka shaqeeya waaxda arrimaha bulshada Dawladda hoose ee Hargeysa oo runtii soo jiidasho gaar ah lahaa shaqadiisu nagu samaysay, waxaanan maalintii u dambeysay ee aanu D/hoose ee Hargeysa la joognay aan u balanqaaday anigoo ah madaxweyne ku-xigeenkii iyo hogaamiyihii Champion-ka JPLG-ga in aan shahaado gaar ah siino”.

 

Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu mar kale ku sababbeeyey maamuuska Agaasimaha “waxaanu ku mutaystay mudada yar ee ay Magaalada Hargeysa ku jirtay maamul-daadejinta, sida uu isugu xidhay hay’addihii dawladda iyo bulshadii oo uu meel kastaba ugu dhaadhacay oo raali-gelin badan ka muujisay oo tidhi wuxuu na soo gaadhsiiyey wixii ka imanayey dawladda hoose. runtii markaa xil gaar ah ayuu muujiyey oo masuuliyada waa la kala leeyahay, daacadnimada waa la kala leeyahay, kolkaa inankaasi aad iyo aad ayuu noo soo jiitay, idinkoo dhamaantiin wada mahadsan oo shaqo wanaagsan qabtay”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Gebagebadii shirkaasi, ayuu madaxweyne ku-xigeenku guddoonsiiyey shahaado-sharafyo  Agaasime Khadar Yuusuf Cali iyo xubno  kamida maayirrada Dalka. waxa kale oo isla munaasibadaasi shahaado lagu guddoonsiiyey sarkaal ka socday Hay’adda UNICEF.

 

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay tahay  markii ugu horaysay ee Madaxweyne ku-xigeenku sidan oo kale u maamuso agaasime waaxeed shaqo ka haya Dawladdaha hoose, waxa ay arrintani dhiiri-gelinaysaa in ay madaxda dawladdaha hoose ee Khadar dhigiisa ahi dedaal badan muujiyaan, si iyagana mar kale loo qiimeeyo.

 

 

Leave a Reply