Tallaabo Kasta Hubi Waxtarkeeda

0
646

Dalkii ugu horeeyay ee soo saaray kuna qoray badeecadiisa erayga “ waxa lagu sameeyay” “Made in” waxa uu ahaa dalka Ingiriiska iyagoo doonayay inay badeecadooda kaga soocaan alaabada lagu sameeyay dalka  Jarmalka si aanay loo iibsan.

Nasiib daro arrinku wuxu isku rogay dalka Ingiriiska waxaana dadkii si xoog leh u iibsadeen badeecadii Jarmalka oo ka tayo fiicnayd. Waxaan uu kala kulmay khasaar balaadhan dalka Ingiriisku. Jarmalka ayaa isaguna markii uu ogaaday in tayada alaabtiisu ka wanaagsan tahay kana macamiil badan tahay ku qoray isla erayga “ Waxa lagu sameeyay” Madie In Germany”. Ka hor inta aanad talaabo qaadin  waa inaad qiimaysaa faa’iido ama khasaare ka aad kala kulmayso.

Leave a Reply