“Xisbiyada Mucaaradku Sharci Darro Ayay ku Doodayaan Madaxweynuhuna ma aqbali Karo Waxa Aanu Sharcigu u Ogolayn”

0
521

Maareeye Maxamuud Raage oo naqdiyey doodda mucaaridka, kana digay in lagu xad-gudbo jiritaanka hay’adda dawladda ee dastuuriga ah…

 

 

 

Qore Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan)-Maareeyaha Madbacada Qaranka Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa dhaliilay hab-dhaqanka siyaasaddeed ee xisbiyada mucaaridka, kuna eeddeeyey in ay doonayaan in sharciga dalka loo jebiyo rabitaankooda iyo in qaawiyaan karaamada madaxtinimada loo qaawiyo, taasoo uu tilmaamay in aan laga aqbali karin hogaamiyeyaashooda ku hamiyaya in ay dalka madaxweyneyaal ka noqdaan.

Maxamuud Raage Ibraahim, oo shalay la hadlay Warbaahinta, maalin kaddib markii ay xisbiyada mucaaridku sheegeen in natiijo la’aan uu ku dhamaaday kulankii dhex maray Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha asxaabta qaranka Isniintii ina dhaaftay, ayaa tilmaamay in aanu madaxweynuhu diidin wax daw ah oo uu sharcigu u ogolyahay, balse aanu aqbali karin wixii dabar sharci ka-hor-istaagayo, sida kala dirista guddida cusub ee Doorashada oo ay ku qotonto doodda Xisbiyada mucaaridku.

Maareeye Raage, waxa uu daboolka ka qaaday in Madaxweynuhu guddida dhexdhexaadinta ka aqbalay fulinta wixii awood sharci u saamaxayso, hase ahaatee aan xaq loogu lahayn in lagu khasbo wixii ka hor-imanaya Dastuurka dalka. “haddii aynu baabi’ino Hay’addaha dawladda ee jira oo ay jiraan hay’addo suuqa joogga oo meesha ka saari kara wixii ay sharciyeeyaan Hay’addaha Dastuuriga ah, taa micnaheedu waxa weeyaan dawladnimadda ha la masaxo…dawladnimada ay doonayaan in ay dhaxlaan madaxda xisbiyada Mucaaridku Eng. Faysal iyo Cabdiraxmaan Cirro waa hay’addahaa dhisan maanta ee ay ugu weyn yihiin Guurtida, Maxkamadda, Wakiillada iyo Xukuumadda oo ah fulinta, kuwaas go’aamada ka soo baxa ayaa isku keen haya oo dawladnimo ah ee haddii la ilaalin waayo dawladnimadu way inaga baaba’aysaa”.

Maareeyaha oo su’aal laga waydiiyey sababta madaxweynuhu u fulin waayey go’aamaddii ay soo saareen guddida dhexdhexaadinta madaxbanaan, ayaa yidhi “adigoo Islaax ka shaqaynaya in aad dawladnimada dumiso maaha..madaxweynuhu ma aqbali karo mana qaadan karo waxaan sharcigu u ogolayn. maxkamadda sare waa hay’addii madaxweynaha qabanaysay, waxaad la socotaan aduunka sharcibaa shaqeeya madaxweynaha Maraykanka go’aankiisii joojinta qaxoontiga lix dal oo islaam ah waxa diidday Maxkamad, markaa Odayaasha iyo culimada dhexdhexaadintu dee geed kamay garnaqayn. Anigu mabda’iyan Maxamuud ahaan waan diidanahay in wixii sharci dalka u yaallay xeer-beegti laga galo oo markaa horaabay khaldan tahay” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Geesta kale, Maareeyaha Madbacada Qaranku waxa uu difaacay u sinaanshiyaha sharciga ee bulshada iyo madaxda kala, isagoo ka dareen celiyey eeddeymaha xukuumadda loogu jeediyo xadhiga siyaasiyiinta “haddii ay umadda reer Somaliland go’aansato in aan cidnaba la xidhin.. anigu marnaba ma arag qof la xidhay oo aan la lahayn waa laga gar-daranyahay, markaa ma waxaynu nidhaahnaa waxa la xidhayaa qofka aan cidna lahayn”ayuu yidhi.

Isagoo arrintaasi ka sii hadlaya waxa uu sheegay “shacabka iyo madaxda noocay doonaanba ha noqdaan qof walba sharciga ayaa ka sareeya, waana la ashkatayn karayaa haddii uu qof kale cirdigiisa ku gefo. waliba madaxdu karaabo ayey inaga mudan tahay, Madaxweynaha in ilaa Qoyskiisa la socdo maaha. ma waxa nala leeyahay haddii aad madax tihiin waxaad ogol u tihiin in sharaftiina iyo karamadiina lagu gefo? waa Maya”ayuu yidhi isagoo hoosta ka xariiqay in ay xuquuq aasaasiya tahay dhowrsanaanta cirdiga iyo sharafta qof kastaaba.

Hadalka maareeyahan ayaa daba socday dhawaaqyo ujeeddo badan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayey hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka, kuwaasoo ku andacoonayey in madaxweynuhu jebiyey heshiis laga gaadhay dhismaha Guddida Doorashooyinka cusub oo ku qotomay go’aamaddii ay soo saareen guddi ka kooban hormuudka bulshada oo bishii la soo dhaafay ergo ka galay khilaafka arrimaha Doorashooyinka ragaadiyey.

 

 

Leave a Reply