“Saxaafadda Madaxa-bannaani Maaha in ay Noqoto Cod Cadawga Somaliland ku Raaxaysto…” Wasiirka Warfaatinta

0
592

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore,ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii kala duwanaa ee loo soo maray Somaliland iyo dib u dhiskeeda waxaa kale oo uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in qaranka la wada illaashado.

Waxaanu ka digay in warbaahinta madaxa bannaani in noqoto mid Somaliland waxyeeladeeda ka shaqaysa oo qaranka dumisa isla markaana raalli gelisa kana farxisa cadawga Somaliland.

Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Munaasibad lagu soo bandhigayay buugga Garasho ee u qoray Abwaan Cabdilaahi Xasan Genay.waxaanu yidhi“Waxay Xukuumadda Somaliland Iyadoo raacaysa Dastuurka Qaranka Somaliland ay ogashahay in ay ku shaqayso in ay ixtiraamto Saxaafada Madaxabannaan,in umadda reer Somaliland lagu hagardaameeyo Saxaafada Madaxbanaan maaha in ay u noqoto cod cadawga Somaliland ku raaxaysto maaha in ninkii soo weeraray in ninka gudaha joogaa isku cod noqdaan maaha,dad badan ayaa qayliya marka la yidhaahdo wariye ayaa la xidhay wariyaha inta uu reer u tago ku odhanaya reerkii kale ayaa idiin diyaar garoobaya idinku maxaad yeelaysaan,”.

Saleebaan Yusuf Cali Koore oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“bal ka warama haddaad ogaan lahayd waxay shalay Hargaysi ahayd ama Burco ahayd inta Hargaysa iyo Boorama loo kala socon jiray wixii kaantarool yaallay iyo sidii dalkani ku aasaasmay dad badani way u tudhi la haayeen,laakiin qaarbaa u arka in arrintu tahay guryaha iyo Huteelada quruxda badan mid uu la dhashay ayay u arkaan laakiin meeshii loo soo maray dalka iyo intii nabada lagu dilay iyo intii beelood ee la heshiisiiyay ragbaan xogogaal ka ahayn

 

Leave a Reply