Hanti Dhawrka Guud oo Baadhitaan ka Bilaabay Wasaaradda Caafimaadka

0
591

Hargeysa (Dawan) War qoraala oo ka soo xafiiska hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa lagu cadeeyay in ay baadhitaan ka wadaan, wasaaradda caafimaadka, cisbitaalka guud iyo ka TB-da ee magaalada Hargeysa.

War-murtiyeedkan oo soo gaadhay mareegta wargeyska Dawan ayaa u dhigneyd sidan :—–

Xafiiska hanti dhawrka guud ee Qaranku isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee uu Qaranka u hayo, waxaa uu shaqo baadhis iyo hubin iyo sixid maamul leh ka bilaabay  xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka oo uu ku jiro, cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo ka TB-du.

Waxaa xusid mudan in saraakiisha baadhistan ka qayb qaadanayaa ay yihiin hawl wadeenadii bilihii u danbeeyey lagu tababarayay, habka iyo nidaamyada baadhista ee caalamiga ah, taasi oo soo dedejin doonta in ay inooga soo baxdo xarumaha aanu baadhista ka bilownay sanadkan natiijo wax ku oola oo leysku haleyn karro.

Waxaa aanu si sharaf leh uga codsaneyna in ay wada shaqeyn la barbar istaagaan dhammaanba hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee taageera wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo xafiis kasta oo looga baahdo xog wadaagis la xidhiidha nooc kasta oo maaliyadeed, dhaqaale, ama lacageed.

Waxaa mudan in iyana la ogaado ujeedada baadhistu waxaa weeyi in aynu hello jawi ku habboon nooc kasta oo wax isdaba marina lana sugo habka isla xisaabtanka iyo hirgelinta xeerarka la dagaalanka musuq maasuqa, iyadda oo la abuurayo jawi isla xisaabtan iyo daahfurnaan, si bulshada loogu sheego halkay gashay cashuurtooda iyo habka loo isticmaalay iyadda oo mar walba la abuurayo kalsoonida dadweynaha Somaliland gudo iyo dibadba, waajibaadka Qarana ay tahay in aynu dhisno adkeyno islamarkaana aynu hagaajino tiirarka maamul wanaaga ee Qaranka.

Qoraalka War-murtiyeedkii Hanti Dhawraha guud ee Qaranku soo saaray
Sawirka Hanti dhawraha guud ee Qaranka mudane Axmed Yuusuf Dirir

Waxaana war-murtiyeedkani ku saxeexna hanti dhawraha guud ee Qaranka mudane Axmed Yuusuf Dirir.

Leave a Reply