Raysal wasaaraha Nederaland Oo Shacabkiisa Ka mamnuucay Inay Gacmaha Isku Salaamaan

0
425

Nederland (Dawan)- Ra’iisul wasaaraha dalka nederland ayaa ku amray guud ahaanba shaacabkiisa in ay salaanta gacanta joojiyaan  ilaa mudo si looga hor tago saamayn uu dalkaasi ku yeesho cudurka dilaaga ah ee Crona Viruska.

Muqaal laga baahiyay tvga qaranka dalkaasi ayaa muujinyay in raisul wasaaraha uu lugaha ku salaamayay siyasiyiin uu la kulmayay.

Isaga oo shir jaraa’id qabanayay ayaa sidoo kale waxaa uu u soo jeediyay shacabkiisa in ay la yimaadeed nimaad kale oo ay isku salaami karaan oo ka baxsan in lays gacan qaado.

John Magufuli madaxwaynaha Tanzania ayaa todobaadkii hore sidaan oo kale ugu baaqay shacabkiisa in ay joojiyaan salaanta gacanta maadaama cudurka crona virus oo dunida dhibaato ba’an ku hayo.

Leave a Reply