Somaliland: Dufcadii labaad ee Carbiska Shaqo qaran oo lagu xareeyey Dugsiga Darar-weyne

0
593

Dugsiga tababarka Ciidamada ee Dararweyne waxa maanta soo gaadhay boqolaal dhalinyaro ah oo kamida ardayda gelaya carbiska wajiga labaad ee Barmaamujka shaqo qaran, kuwaasoo ka kala yimi Gobolada Awdal, Gabiley, M.jeex, Saaxil, Togdheer iyo Saraar.

Waxa kale oo la filayaa sida uu qorshuhu yahay in ay maalinta khamiista ee Beri halkaasi soo gaadhaan Ardayda ka soo baxay gobolada Sool, Sanaag iyo Badhan.

Ardayda sanadkan gelaya Carbiska ayaa guud ahaan dhan 1000 Qof oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaasoo kamid ahaa 3993 tartame oo lagu kala saaray Imtixaan.

sanadkan waxa ku cusub gobolo aan hore uga qaybgelin mashruucan oo sanadka lagu soo daray, sida Gabiley iyo Saraar.

Masuuliyiinta Gobolada ay ka soo baxeen dhalinyaradan ayaa soo gaadhsiiyey dugsiga dararweyne, halkaasoo ay kagala wareegeen maamulka Xafiiska Shaqo-qaran.

Mashruucan shaqo qaran ee galay wajigii labaad, waxa hir-geliyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku dhawaaqay sanadkii 2018-ka, waxaana si rasmi ah loo daah-furay bishii March ee sanadkii 2019-ka, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya ay bixiso Xukuumadda oo u diyaarisay qoondo dhaqaale oo lagu fuliyo.

Leave a Reply