Sool: Guddida ka-hor-tagga COVID19 oo kala wareegay qalab Caafimaad Hay’adda ARC iyo shirkad Waddani ah

0
618

Qore. Saleeban Kalshaale

Laascaanood(Dawan)-Masuuliyiinta Caafimaadka Gobolka Sool, ayaa lagu wareejiyey agabyo caafimaad oo muhiim u ah la-tacaalida caabuqa Corona Virus, kaasoo ka soo gaadhay hay’addo caalami ah iyo Shirkaddo madani ah.

Hay’ada ARC International xafiiskeeda gobolka Sool oo qalabka keentay, ayaa Isniintii ku wareejiyey madaxda Wasaarada Caafimaadka ee gobolkaasi munaasibad lagu qabtay Xafiiska Isuduwaha.

Qalabka ayaa loogu talogalay in la dhigo goobaha dadka lagu Karantiimo ee ku yaalla Magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Hay’ada ARC International ee gobolka Sool Maxamed Cabdillahi oo qalabka ku wareejiyey, ayaa sheegay in qalabkani uu ka kooban yahay Mashiinada Neefta soo celiya (Oxygen) Sariiraha waaweyn ee nooca dhamayska tiran ah, Taangiyada Faraxalka, dharka difaaca Xanuunka COVID 19 , agabka Afka iyo gacmaha lagu daboolo iyo bushqado kamida dareerayaasha faraha lagu maydho.

“Qalabkani wuxuu daaran yahay baahida ay u qabtay xarunta Karatiilka ee magaalada laascaanood, kaddib markii aanu ka helnay codsi wasaaradda iyo guddida ka-hor-tagga COVID19″ayuu yidhi madaxa Xafiiska Hay’adda ARC oo munaasibada ka hadlay
Isuduwaha Wasaarada horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool Dr maxamud Xaaji Khaliif oo kala wareegay ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey, uga mahad naqey Hay’ada ARC deeqdan ay soo gaadhsiisay xilli baahi weyn loo qabay, waxaanu sheegay in jaawaab u tahay codsiyadii ay u direen Hay’adaha ka howl gala gobolka.

“Hay’adda ARC waxa ay noqotay hay’adda qudha ee ka soo jawaabtay baaqii aanu u dirnay Hay’adda ka howlgala Gobolka, waxaanu ku boorinaynaa in ay ku daydaan kuwa kalena”ayuu yidhi Isuduwaha oo xusay in qalabkani wax badan ka dabooli doono baahida Gobolka ee hubka lagu tacaalayo aafada Covid19.

Qalabkan ayaa ah kii ugu badnaa ee soo gaadha magaalada Laascaanood khaasatan xarunta loo diyaariyey bukaanka COVID-19, haddii uu cid soo rito.


Geesta kalena, Guddida xakamaynta COVID19 ee Gobolka Sool, waxa ay agab caafimaad kala wareegeen Shirkadda AMAL Laascaanood oo munaasibad maanta lagu qabtay magaalaaasi, waxaana guddoomiyaha guddida heer gobol oo ah isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka u mahad celiyey shirkadda AMAL iyo cid kasta oo taakulo ka geysatay dedaalka heer gobol ee lagu xakamaynayo Cudurka adduunka faraha baas ku haya ee Corona Virus.

Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, ayaa ka bad qaba oo aanay ilaa iminka jirin dad laga helay cudurkaasi, hase ahaatee sida ay sheegeen masuuliyiinta Gobolku waxa jira foojignaan badan oo lagaga gaashaamanayo, maadaama uu xuduud la leeyahay Dalka Soomaaliya oo dadka laga helay boqol Kiis kor u dhaafeen, inkasta oo Puntland dhawaan la shaaciyey kiisas kooban.

Leave a Reply