Laascaanood: Garoonka Cabdi Bile Cabdi Oo Dib U Habayn Lagu Sameeyay

0
636

Laascaanood (Dawan): Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray garroonka Kubbada cagta Cabdi Bile Cabdi ee magaaladda Laascaanood.
Garroonkaasi oo xukuumadda Somaliland ay dib u habayn iyo casriyayn balaadhan ku samaysay.

Iyadoo isla maanta garroonka lagu furay ciyaar Kubbada cagta ah oo dhexmartay koox ka socotay magaaladda Tog-wajaale ee gobolka Gabiley iyo koox ka socotay magaaladda Laascaanood.
Waxaana furitaanka wejiga labaad ee garroonka Cabdi Bile Cabdi, ka soo qayb galay wasiirrada arrimaha dibadda, warfaafinta, maayarka Laascaanood, badhasaabka Sool, isuduwaha ciyaaraha ee Sool iyo masuuliyiin kale.

Daawoo: Hadaladii Laga Jeediyay Furitaanka Wejiga 2aad ee garroonka Laascaanood:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply