Madaxweynaha JSL oo Soo Gunaanaday Loolanka Xisbiyada ee Shirguddoonka Golaha Wakiillada

0
745

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray wareegto uu kusoo gabagabeeyey loolanka ay xisbiyada qaranku ugu jireen shirguddoonka golaha wakiillada.

 

 

Madaxweyne Biixi ayaa iskugu yeedhay xildhibaanada cusub ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi ay shacabku soo doorteen 31 may ee sannadkan 2021.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomi doono maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo.

 

Fadhigaasi ayaa ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo ay muddo shan iyo toban sanno ah fadhiyeen xildhinadda kuraasta banaynaaya oo la doortay sannadkii 2005-tii.

 

 

Isbahaysiga KULMIYE iyo UCID ayaa shir-guddoonka la doonaya xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo xisbiga KULMIYE u sharraxay, Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo kasoo baxay xisbiga UCID.

 

Dhinaca kale Isbahaysiga WADDANI iyo UCID ayaa shir-guddoonka la doonayaa Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo kasoo baxay Xisbiga Waddani, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo kasoo wadda baxay Xisbiga UCID.

 

Maalinta Salaasadda ayaa ayey mudanaayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si rasmiya u dooran doonaan ciddii hoggaamin lahayd muddada shanta sanno ee shacabku ay doorteen.

Leave a Reply