Somaliland: Dhaartii Golaha Wakiillada cusub, Doorashadii Shir-guddoonka iyo guushii Mucaarudka

0
644

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Golaha Wakiillada cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa la dhaariyey, isla markaana doortay saddexda xubnood ee Shir-guddoonka ee hogaamin doona golahaasi.

Fadhiga oo ay ka soo xadireen 81 Mudane oo kamida 82 xildhibaan ee la doortay bishii May, ayaa waxa guddoomiyey Guddoomiyaha Maxkamada saree ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo sidoo isagu kale furay fadhiga, isla markaana dhaariyey xildhibaanada cusub.

Kulanka Golaha oo ku furmay jawi degen, ayaa waxa ugu horayn lagu dhaariyey xildhibaanada ka soo qaybgalay ee cusub, iyadoo dhaarta kaddibna uu halkaasi uga jeediyey khudbad la xidhiidha masuuliyaddaha iyo waajibaadka xildhibaanada saaran Gudoomiyaha Maxkamadda sare.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Shirguddoonkii golihii hore ee Wakiillada, hogaanka asxaabta Qaranka, danjireyaal ka socda Dawladdaha Somaliland saaxiibka la ah iyo marti-sharaf ka socday Ururrada Bulshada, ayaa ka soo qaybgalay fadhiga Golaha.
Markii la dhaariyey Xildhibaanada, lana guda galay Doorashada Shirguddoonka Golahaasi, ayaa waxa ay Mudaneyaasha ku tartamayey xilkaasi kalsooni ku siiyeen inuu Doorashada u guddoomiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaasoo isaguna codsaday inay howsha guddoominta la wadaagaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyihii golihii hore Baashe Maxamed Faarax.
Dardaaran iyo talooyin kala duwan oo loo jeediyey Xildhibaanada, markii la gudo galay Doorashada, waxa ay mudaneyaashu mid mid ugu codeeyeen 6 Xildhibaan oo ku tartamayey xilalka Shirguddoonka Golaha Wakiillada, kuwaasoo ay saddex xubnood ku guulaysteen, saddexdii kalena lagaga guulaystay.
Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha cusub, ayaa 42 cod kaga guulaystay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kula tartamayey Kursigaasi, isla markaana helay 39 cod.

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada oo ay ku tartamayeen xildhibaannada kala ah Cumar Jaamac Faarax iyo Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa waxa ku guulaystay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Siciid Mire Faarax (Giire) oo helay 41 Xildhibaan, halka Cumar Jaamac ay u codeeyeen 40 Mudane.
Jagada Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee aqalka Wakiillada waxa ku fadhiistay Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo helay 43 xildhibaan, halka Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo la tartamayey uu helay 38 cod.
Saddexda xubnood ee loo doortay Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa ka soo baxay labada Xisbi Mucaarid, iyadoo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ka soo baxay Xisbiga WADDANI, halka labada guddoomiye ku-xigeen ay ka soo baxeen Xisbiga UCID.
Hanaanka Doorashada Shirgudoonka oo u dhacday qaab gacan taag ah, ayaa waxa ay xildhibaanada Golahaasi ee Mucaaridka iyo muxaafidkuba si madaxbanaan ugu kala codeeyeen xubnaha tartamayey, inkasta oo markii hore goluhu u kala safnaa laba garab oo mid waliba murrashaxiin watay.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaannada cusub ku dardaaray inay wadajir iyo midnimo ku gutaan waajibaadka culus ee ay qaranka u hayaan, isagoo uga digay wixii kala qaybsanaan ku keenaya wadajirka Golaha Wakiillada.
Fadhiga Golaha oo intii uu socday, Shaashadaha Telefishanada iyo baraha bulshada ay dadweynuhu toos ugala socdeen, ayaanay ka dhicin wax buuq iyo khilaaf ah, taasoo muujinaysa dimuquraadiyada iyo koritaanka siyaasaddeed ee ay Somaliland marba marka ka dambeysa ku sii horumarayso.
Xildhibaanada Mucaaridka iyo muxaafidka kala ah ee labadii bilood ee u dambeeyey loollanku ka dhex aloosnaa, ayaa iyagoo badankoodu gacmaha is haysta ka soo dareeray madasha fadhiga, iyadoo ay dhinac waliba ku qanacsan yihiin natiijada tartankii ku dhex maray Shirguddoonka.

Leave a Reply