Daawo: Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa gacanta saartay Qashin iyo Geed-xun qabsaday Dhaamka Jigjiga yar

0
693

Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa ayaa maanta Ololle nadaafaddeed ku qaaday Dhaam ku yaalla Xaafadda Jigjiga yar ee Degmada Ibraahim Kood-buur, kaasoo laga nadiifiyey Qashin iyo geedka garan waaga oo qabsaday.

Olollahan oo uu hogaaminayey Maayirka Degmada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waxa uu socday tan iyo gelinkii dambe ee maanta, iyadoo halkaasi lagaga xaadhay wixii qashin yaallay.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha bulshada Dawladda hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo markii Ololluhu socday la hadlay Wariye ka tirsan Wargeyska Dawan, ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada ay ku nadiifinayaan goobaha qashin-qabadka noqday, kuwaasoo ay u bedelayaan meelo lagu majeerto bilicda Magaalada.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply