Itoobiya ma Aqoonsanaysaa Somaliland?” Sajid Nadeem

0
321

Islamabad (Dawan)- Khabiirka caanka ah ee Sajid Nadeem oo ah xeel-dheere ku takhasusay falanqaynta arrimaha siyaasadda, Juqraafiyadaha iyo Khilaafaadka caalamiga ah ayaa si qoto-dheer u sharraxay ahmiyadda uu Somaliland u leeyahay socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee dalka Itoobiye, kaas oo uu ku tilmaamay fursad dahabiya.

Sajid Nadeem oo ah khabiir u dhashay dalka Pakistan ayaa warbixintiisa ciwaan uga dhigay ‘Itoobiya miyay aqoonsanaysaa Somaliland’ ayaa tilmaamay in Somaliland ay tahay bogcad istaraatiiji ah oo ku taal marin-biyood ay sannad walba isaga gudbaan tobanaan kun oo maraakiib ganacsi ah.

Khabiirku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Booqashada Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ay muhiimad weyn u leedahay qadiyadda ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Iyada oo waddanka Itoobiya oo ah dal aan bad lahayni uu si weyn isha ugu hayo dekedaha Somaliland. waxaana dhawaan xadhigga laga jaray Dekadda cusub ee Berbera taas oo noqon karta xudunta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee gobolka geeska Afrika. Waxaanay dawladda Itoobiya ay wakhtigan danaynaysaa isticaalka dekedaas.

Sajid Nadeem oo arrimahaasi falanqaynayaana waxa uu ku bilaabay warbixintiisa sidan:- “Itoobiya ma aqoonsanaysaa Somaliland?’.Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Salaasadii todobaadkan socdasal shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Booqashada uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa salka ku haysa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad Cali. “

Somaliland waa dal iskii ugu dhawaaqay madax-bannaanidiisa oo ku yaalla Geeska Afrika. Soomaaliya waxay ku andacoonaysaa in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya. Dalka illaa hadda ma jiro wax aqoonsi ah oo ay ka heshay quwadaha adduunka.

Somaliland waxay dhacdaa xeebta koonfureed ee gacanka Cadmeed. Waxaa waqooyi galbeed ka xiga Jabuuti, Koonfur iyo galbeedna Itoobiya, iyo Soomaaliya oo bari ka xigta. Halka ay Somaliland ku taal waa mid istaraatiiji ah iyadoo tobanaan kun oo maraakiib ganacsi ah ay maraan gacanka Cadmeed sannad walba.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ayaa ah mid muhiimad u leh labada dal. Somaliland waxay ku jirtaa ictiraaf raadin. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, waxay isha ku haysaa dekedaha Somaliland.

Itoobiya waxay inta badan ku tiirsan tahay dekedaha ay jaarka yihiin ee Djibouti, dhaqdhaqaaqeeda wax soo dejinta iyo dhoofinta. Somaliland ayaa xadhiga ka jartay Dekadda cusub ee Berbera oo la dhisay taas oo noqon karta xudunta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee gobolka. Itoobiya waxay danaynaysaa isticmaalka dekedaha Somaliland.”

 

 

 

Leave a Reply