Dad Caqliga Badani Waa Kuwo Aamusan!

0
1195

 

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal inaad fikrada la falanqaynayo ka hadasho, waana in aanad si gaar ah u noqon shakhsi weerar. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad iyo dhaliilo dad gaar ah, run ama been ka ay doonto ha noqotee,  doodaasi jooji, ka hor inta aanad u muuqan qof wax magarato ah maxaa yeelay qofka caqliga badani kama doodo wax aan afkaar ahayn.

Xasadka iyo dhibaatooyinka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya marka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaatadu waxay taagan tahay kolka aad dad ceebahooda iyo boogahood aad faraha la gasho, adigoo weliba laga yaabo inaad ka ceebo badan tahay.

Waayo qofka ku talax taga ka doodista goldaloolada dadka badbaadadiisu way yar tahay, arimihiisuna way kala daataan; xasadkiisuna wuu bataa maxaa yeelay qof kasta waxa uu leeyahay ceebo aan isaga u muuqan.

Sidaa darteed, arinta ku baraarug ka hor inta aanad cidkale kale dul onkodin. Dadka caqliga badani, waa kuwo afgaaban oo aamuska qiimihiisa yaqaana, kuna kasbada haybada goobta ay joogaan. Ka mid noqo kuwa caqliga badan oo ashkhaas haka doodine, afkaar ka dood.

 

Leave a Reply