Turkiga oo xabsiga dhigay suxufiyad lagu eedeeyay inay ‘aflagaadeysay’ Erdogan

0
257
Ankara (Dawan) Booliska Turkiga ayaa xabsiga dhigay weriye caan ah oo ka tirsan Telefishinka, kadib hadal ay hawada ka jeedisay oo ku saabsanaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu Sabtidii sheegay Qareenkeeda.
 
Booliiska ayaa Sedef Kabas ku xidhay gurigeeda labadii duhurnimo ee Sabtidii, saacado uun ka dib markii ay aragtideeda ku faafisay barteeda Twitterka oo ay kala socdaan 900,000 oo taageereyaasheeda ah.
 
Suxufiyaddan ayaa si rasmi ah loo xidhay kadib markii ay ka soo muuqatay maxkamadda.
 
Danbiga aflagaaddo madaxweyne ayaa dalka Turkey waxaa lagu muteystaa xabsi hal ilaa afar sannadood ah.
 
“Wariye ku sheeggan wuxuu si badheedh ah telefeshinka uga caayay madaxweynaheenna.
 
Malaha hadaf aan ahayn faafinta nacaybka,”Ayuu soo dhigay bartiisa Twitter afhayeenka Erdogan, Fahrettin Altun.
 
Ururka suxufiyiinta Turkiga ayaa xadhiga Kabas ku tilmaamay “Weerar halis ah oo ka dhan ah xoriyatul qawlka”
 
Waxaana kooxaha xuquuqul insaanka ay si joogta ah ugu eedeeyaan Turkiga inuu wiiqayo xorriyada warbaahinta, isagoo xidhaya suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahineed ee dhaliila, gaar ahaan tan iyo markii Erdogan uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee July 2016.
 
Xigasho: VOA.
 

Leave a Reply