Wasiirka Caafimaadka oo laba Gaadhi oo Ambalaas Ah Wareejiyay.

0
697

Berbera (Dawan)  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa laba gaadhi oo ambalaas ah, ku wareejiyay deegaannada Ceelal iyo Dhoqoshay, oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Saraar.

Waxaana si rasmi ula wareegay gaadiidkaasi gurmadka deg deg ah, mas’uuliyiinta deegaannadaasi. Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta deegaannadaasi la gaadhsiiyay gaadiidka Ambalaaska ah inay ilaashadaan, isla mar ahaantaana ay ugu shaqeeyaan bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa sheegay in labadan magaalo ee Ceelal iyo Dhoqoshay ay u baahnaayeen gaadiidka gurmadka deg deg ah, isagoo sheegay in duruuf adagi ay ka haysatay dhanka caafimaadka labadaasi magaalo, kuwaasoo ka fog adeegyada caafimaadka ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Waxa kale oo u wasiirku sheegay inay qalab noocan oo kale ah ka qaybiyeen deegaano kale oo kuwan ka horeeyay, qaar oo dalka ahna ay ku talo jiraan inay gaadhsiiyaan Gaadiidka Gurmadka deg deg ah, oo muhiim u ah bulshada.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo isuduwaha wasaarada horumarinta caafimaadka ee gobolka Togdheer, Maxamed Yuusuf ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka adeegyada caafimaadka ee ay gaadhsiiyeen deegaannada Dhoqoshay iyo Ceelaal, gaar ahaan gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Leave a Reply