Gabiley: Cusbitaalka Degmadda Tog-Wajaale oo lagu Wareejiyay Unbalance

0
324

Wajaale (Dawan)  Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta baabuur unbalance ah ku wareejisay maamulka cusbitaalka degmadda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Waxaana baabuurkaasi maamulka cusbitaalka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, iyo ka degmadda Wajaale ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Wareejinta unbalance-kaasi waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan yaxye C/laahi Aamiin (yaxye-araarse), oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply