Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland oo  lacageed ku wareejisay qaar kamida dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya.

0
233

Hargeysa (Dawan)  Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland ayaa deeq lacageed ku wareejisay qaar kamida dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya.

Deeqdan lacageed waxa iska kaashaday hay’adda qaxoontiga iyo barkacayaasha iyo hay’adda socdaalka adduunka ee I.O.M, waxaana dhalinyaradan oo laga soo celiyay dalka liibiya tiradooduna ay dhamayd 24 xubnood, waxa midkiiba la gudoonsiiyay laba kun oo doollar, taas oo loogu talo galay in ay ku maareeyaan noloshooda, kuna bilaabaan ganacsi.

Rijadh oo ah madaxa hay’adda Socdaalka dunida ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanuu xusay inuu dalka Liibiya ku soo arkay dhibaatada lagu hayo dadka dalkaas ku gala tahriibka, waxaanuu xusay in talaabadan dhalinyaradaas lagu gudoonsiiyay deeqdaas lacageed ay ahayd mid ay si wada jir ah iskaga.

Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barkacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), waxaanuu dhalinyaradaas u soo jeediyay inay lacagtaas u isticmaalaan sifo wanaagsan, kuna dadaalaan sidii ay ugu qabsan lahaayeen wax ay noloshooda ku horumariyaan maadaama oo ay tahriibka kala soo kulmeen rafaad iyo dhibaato, imikana ay dalkoodii hooyo joogaan.

Guddoomiye Cabikariin Xinif wuxuu dhalinyarada Somaliland ka waaniyay inay ka feejignaadaan dhibaatada ay leedahay tahriibtu, waxaanu u soo jeediyay in ay dalkooda aaminaan oo ay wax ka qabsadaan.

Leave a Reply