Madal kulmisay Xukuumadda iyo Maalgashadeyaal Sucuudi ah

0
267

Hargeysa (Dawan)- Kulan muhiim ah oo dhex maray Xukuumadda Somaliland, Ganacsatada dalka iyo wefti sare oo ka socda Sucuudiga, ayaa ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, kaasoo ay soo qabanqaabisay wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo Warshadaha JSL, ujeeddadiisuna ahayd isku-xidhka ganacsiga iyo maalgashiga labada dal ee Somaliland iyo Sucuudiga.

Shirkan oo muhiimad weyn u lahaa dhinacyada ka qaybgalay, ayaa waxa weftiga ka socda Sucuudiga oo uu Hogaaminayey H.E Abdulsalam Al-Enezi, ku soo bandhigeen waxyaabaha ay danaynayaan inay ka maalgashadaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo waxyaabaha ay ku arkeen dalka intii ay joogeen oo ay booqdeen meelo kala duwan oo uu kamid yahay mashruuca cunto soo-saarka ee Wajaale iyo goobo kale oo ay danaynayaan.

Wasiirrada wasaaraddaha dhaqaalaha dalka Laf-dhabarta u ah, sida Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yada Cabdiwali Suufi Jibriil, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Cabdilaahi Faarax Cabdi, Wasiirka Horumarinta Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Yurub Abiib, Gudoomiyaha Koomishanka Tamarta Qaranka Axmed Faarax Cadare, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid (M,Soomali) iyo masuuliyiin kale oo ka socday laamaha Xukuumadda oo munaasibadaasi hadallo ka jeediyey, ayaa si waafi ah ugu faahfaahiyey weftiga maalgashadeyaasha iyo masuuliyiinta dawladdeed isugu jira ee ka socday Dalka boqortooyada Sucuudiga.

masuuliyiinta ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland gacmo furan iyo siyaasad debecsan ku soo dhaweynayso cid kasta oo danaynaysa inay maalgashato waddanka. “Xukuumadda JSL, Wasaaradda Isgaadhsiintu waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa Tiknoolajiyada, gaar ahaan cid kasta oo keenaysa Xadhka isgaadhsiinta Internetka ee Badda oo Berbera ka soo dejinaysa way u furan tahay, iminkaba laba xadhig ayaa la keenay”ayuu yidhi Wasiir Cabdiwali Suufi Jibriil oo madasha ka hadlay.

Wasiirrada ayaa sheegay inay Somaliland Waddan dihin oo sharci ahaan iyo siyaasad ahaanna u diyaarsan in iskaashi ganacsi iyo dhaqaale lala yeesho, waxaanay fursadaha darka yaalla ka tibaaxeen dhinacyada Tamarta, Beeraha, Macdanta iyo khayraadka Badda.

Wasiirka Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdulahi cabdiraxmaan Aare oo gabagabadii xaflada khudbad ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay wasaarad ahaan geed dheer iyo mid gaabanba ugu jiraan sidii ay qaranka ugu soo jiidi lahaayeen daneeyayaal maalgashi waafaqsan shuruucda waddanka iyo caalamiga ah, dawladda Sucuudiguna kamid tahay wadamada xidhiidhka taariikhiga ah ee ganacsi ka dhexeeyo Somaliland.

waxa uu sidoo kale ku dheeraaday ahmiyadda weyn ee ay xukuumaddu siinayso horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidii ay isku-xidhi lahayd maalgashadeyaasha caalamka iyo ganacsatada dalka, siyaasad hufanna ugu maamuli lahayd,waxaanu sidoo kale ka waramay xidhiidhka taariikheed ee ka dhexeeya Sucuudiga iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo warshadaha ayaa deddaal ugu jirta sidii ay waddanka ugu soo xidhi lahayd maalqabeennada caalamiga ah iyo inay ku-dhiiri-geliso ganacsatada dalka inay maalgashadaan oo ay ka faa’idaystaan fursadaha waxtarka iyo koboca dhaqaale leh.

 

 

Leave a Reply