Sool: Garaad Jaamac oo ka Hadlay Dilalka ka Dhaca Laascaanood

0
410

Hargeysa (Dawan) Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa ka hadlay dilkii habeen hore gudaha magaalada Laascaanood loogu gaystay Marxuum Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga UCID ee ee gobolka Sool, oo ay dablay hubaysani dileen.

Garaad Ismaaciil, ayaa bulshada reer Laascaanood ugu baaqay in ay dib talo isugu noqdaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sugida abniga magaalada Laascaanood, ee aanay weer cad xidhan maalinta ay wax dhacaan.

Waxa uu sheegay in ay dilalkii kala danbeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ay ku maqan yihiin haldoorkii, waxgaradkii iyo birimageydadii degaanku.

Guddoomiyaha Aflahaar oo horay usoo noqday xubin ka tirsan golihii hore ee deegaanka Laascaanood, ayaa u dhintay xabado ay ku fureen dablay hubaysan oo beegsaday xili uu siigalayay gurigiisa uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Iyadoo ay kooxo aan la aqoonsanin ugaadhsi ku hayaan masuuliyiinta xisbiyada iyo xukuumadda ee gobolka Sool, ayaa waxa ugu danbeeyay Cabdirisaaq Axmed Cilmi “Cabdirisaaq Cardoofe” oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood, oo 11 September, 2021 sidan oo kale loo beegsaday.

Garaad Jaamac isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Marxuum Maxamed Aflahaar oo ahaa haldoorkii gobolka Sool, magaalada Laascaanood, geeridii naxdinta badnayd ee dalka iyo degaanba ka dhacday, marxuumka oo ahaa nin wanaagsan, gacan ka xaqdarinana ay dishay, ILLAAHEY waxaan uga baryayna in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

Reer Laascaanood waynu is ognahay in badan ayaan ka hadlay dilkan soo noq noqonaya, balse waxa la yidhi ruqa ninkiilahaa dabada hayaa makacdo, reer Laascaanood haddii aydaan sidan wax ka baddelin oo taladiina aydaan wax ka badalin, marka ay wax dhacaan weercad ayaad xidhataan oo waxa aad tidhaahdaan aan wax qabano markii wax la qabtana kuwa kale ayaa intay garab ordan wax khariiba sidaasi hadaad jeclaateen ilaa sheekhiini ayaa ku maqane ku jira.

Haddii kalena dad Qaran ah oo degaan ah oo balaadhan ayaad tihiine dib hala isugu noqdo, oo magaalada taladeedii iyo abnigeedii halaga shaqeeyo,”

Inkasta oo xukuumadda Somaliland qaaday dadaalo lagu sugayo nabada magaalada Laascaanood sannadihii u danbeeyay, hadana waxaa muuqata in wali loo maaro laayahay dilalka lagu beegsanayo haldoorka reer Laascaanood.

Kooxahan oo badana dilalka gaysta xili habeen ah, ayaa isla markiiba goobta ka carara markay dilka gaystaan, lamana soo qabto.

 

 

 

Leave a Reply