Saraakiil Lagu Tababaray Xeerarka Heshiiyadda Caalamiga ah

0
243

Hargeysa- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo soo gebagebeeyey siminaar muddo u socday saraakiil Waaxda Kastamadda ayaa sheegay in loo sii diyaarinayo dhaqangelinta shuruucda kastamada ee heshiisyada caalamiga ee xukuumadu gelayo dhigayaan .

Tabobarkan oo saraakiishii ka qaybqaadnaysay lagu barayey xeerarka maaliyadda Dalka, gaar ahaana Xeerka Kastmada Xeer Lr. 73/2016 iyo habraacyada maamul, sida habraaca xaraashka badeecaddaha ku mudo dhaafta Kastamada iyo kuwa kale ee la xidhiidha.

Agaasimaha Waaxda Kastamadda Maxamed Nuur oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay fulinta shuruucda la xidhiidha kastamada, maadama wax loo sameeyey yahay in lagu dhaqmo.

Agaasiem Maxamed ayaa sheegay in saraakiisha tababarka qaatay lagula xisaabtami doono inay dhaqangeliyeen ku-dhaqanka xeerarka lagu tababaray.

Shaqo kasta oo la qabanayo muhiimadeedu waa in loo raaco sida xeerarka la ansixiyey ay dhigayaan.

Agaasimaha Waaxda shuruucda Maxamed Kenediid oo hadal ka jeediyey xidhitaankii tababarka ayaa bogaadiyey hanaankii saraakiisha waaxda Kastamadu u qaateen casharadii tababarka, isla markaana u dhowrayeen wakhtiga.

Muhiimada tababarka ayaa la sheegay inuu yahay sidii saraakiishu faham dheeraad ah uugu yeelan lahaayeen ku dhaqankiisa, iyo inay xog dheeraad ah shaqaalahu ka helaan waajibaadkiisa.

Saraakiisha tababarka qaatay oo ka hadlay ayaa sheegay in la baray shuruucda ay ku shaqeeyaan iyo xidhiidhka macaamiisha ay u adeegaan, waxaanan rajeynayaa in shaqadii aanu bulshada u haynay ku sii qurux badnaan doonto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo gebagebadii hadal ka jeediyey oo ka hadlay muhiimada tababarka ayaa sheegay inuu dabasocdo qorsheyaasha xukuumadu ku doonayso in lagu ballaadhiyo goobaha kastamadda sannadaha soo socda.

Md. Gurxan ayaa sheegay in heshiisyo cusub oo la filayo inay xukuumadu la yeelato wadamadda jaararka & Wadamadda aynu xuduud-wadaaga leenahay, ayaa muhiim ka dhigtay in Waaxda Kastamaddu isu diyaarinayso inay la jaanqaado heshiisyada caalamiga ee la gelayo, isla markaana shaqaalaheedu ugu sii carbisnaan lahaayeen

 

 

 

Leave a Reply