Xirfadaha Dawarada Iyo Khiyaamada!

0
257

Ciyaar yahan caan ah ayaa markii uu ku guulaystay kubbada Golfka  waxa loo dhiibay jeeg lacagta abaal marintu ku qoran tahay. Markii uu ka baxay xafladda si uu xaruntii naadigiisa u tago, ee uu gaadhigiisa koray gabadh dhalinyaro ah ayaa ku hamblayaysay guushiisa waxase ay ka codsatay inuu caawiyo, madaama ay haysato wiil yar oo buka oo aanay u hayn xataa lacagtii tigidhka dhakhatarka. Aad ayay u raadaysay baryadaasi, wuxuuna soo saaray jeegii la siiyay gebi ahaantiisa, waxaana uu gacanta ka geliyay gabadhi.

Wuxu ku yidhi waxaan rajaynaya in adiga iyo wiilkaga yari si fiican idiinku filaato.  Maalmo ka dib ayuu ciyaar yahanku ku noqday xaruntii Golfka isagoo ka qaydanaya huteelka naadiga ayuu nin shaqaalaha huteelka Golafka ka mid ahi oo ay saaxiib yihiin ku yidhi :”Markii aad jeeg qaadatay todobaadkii hore soo gabadh gaashanti ahi kumay baryin?. Ciyaartowga ayaa yidhi Haa.  Waxaan ku sheegaya gabadhani ilma yari kama abuko , caruurna malaha, weligeedba lama guursan, way ku dhacaday ee ka raadso lacagta!.

Ciyaartowgii ayaa ku yidhi :” Miyaanu jirin wiil ka xanuunsanayay? Shaqaalaha ayaa yidhi ma jiro.  Ciyaartowg aya ku jawaabay : “Hadalkii iigu wanaagsana ee aan maqlaa todobaadkan waa kaasi!. Anigu waxaan ku bixiyay wiil buka, sidii ayay ii tahay , maaha inaan ka daba tago. Xikmaduna waa “ Wixii aad bixisay ee niyad wanagsan ku bixisay weligaa haka werwerin”

Leave a Reply