Waanadani Waad Muhiim, Mahadsanid!

0
195

Markii ay Madaarka ku sugnaayeen ayuu qolkii sigaar cabista loogu talo galay ka soo baxay isagoo soo cabay xabad sigaar ah  ka hor kicitaanka dayuuradda.  Nin isna ka mid ah rakaabka dayuuradda  raacaya ayaa ku yidhi imisa jeer ayaad maalintii sigaar cabtaa?

Ninki sigaarka soo cabay ayaa ku yidhi maxaad su’aasha ii waydiisay? Ninkii rakaabka ayaa ku jawaabay isagoo doonaya in uu ku dhiirigeliyo joojinta sigaarka : “ Haddii aad iska dayso cabista sigaarka waxaad iibsan lahayd dayuuradda horteena fadhida oo kale “.

Ninka Sigaarka cabayay aya ku yidhi : “ Adigu ma cabtaa sigaarka ? Ninkii rakaabka ahaa aya ugu jawaabay Maya.

Ninkii Sigaar cabka ahaa ayuu ku yidhi :  “ waad ku mahad santahay waanadaada, laakiin anigu sigaarka waan cabaa, dayuuradan ku hor fadhida ee aad raacaysana anigaaba leh”.   Ninka sigaarka cabayay waa Richard Branson oo ah ninka   iska leh shirkadda dayuurdaha Virgin ee dalka Ingiriiska.