Waayaha Mustaqbalka Aad Rajaynayso!

0
194

Waxaan dhameeyay dugsiga hoose waana mustabalkayga, haddana kii dhexe ilaa dugsigii sare oo iyana la igu yidhi waa mustaqbalkaaga. Markii aan Jaamacadda galayna waxay ahayd mustaqbalkayga. Shaqadii markaan helay waxay ahayd mustaqbalkayga. Waxaan u guursaday oo caruur u dhalay mustaqbalkayga.

Wakhtigan xaadirka ah waxaan ahay 77 sano welina kama suulin erayga mustaqbal. Mustaqbalku waa maro cas oo la saary  madax Dibi oo aanu weligii gaadhayn. Markaa aad mid gaadho haddana mid kale ayaa taagan oo laguu sheegayo inuu yahay mustaqbalkaaga. Haddaba mustaqbalka runta ahi waa inaan helo kuna guulaysano Raali ahaanshaha Allah (SW) , Naarta ka nabad galno , janadiisa aan mutaysano.

“Gacanta markaad kufto ku soo qabataa waxay ka wanaagsan tahay boqol gacmood oo markaad guulaysto ku saalama”