Filimada Mission Impossible:

0
261

 Siyaasadda Cabsi Gelinta Caalamka!

Filimada Maraykanka intooda badani waa farsamooyin lagu muujiyo laguna soo bandhigo awoodda dhaqaale, quwadda ciidan iyo siyaasadda dalkaasi.  Filimadaasi waxa ay qaybweyn ka qaataan cabsi gelinta dalalka kale ee dunida dhinacyada sirdoonka, tirada iyo tayda hubka ciidanka, iyo xeeladaha dagaal ee ay adeegsan karaan ciidanka Maraykanku.

Filimada ayaa yaab ku abuura quluubta dadka daawada, kuwaasi oo u arka in aan Maraykanku ahayn dawlad ay aan lagu dhici Karin awoodeeda ciidan iyo tan dhaqaale.

Iyadoo weliba iska dhaaf in dagaal loogu badheedo’e aan xataa la soo hadal qaadi karin. Sidaa wgeed waa ay yar yihin dunida dalal danihiisa ka hor yimaadda, iyagoo ka baqda ciidanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo sirdoonka xooggan ee USA.

Filimka lagu magacaabo “Mission: Impossible” waa filimka 16aad, ee ugu daawashada badan,  waxaana  ka soo xerootay dhaqaale dhan 3.5 bilyan. Filimkani waxa uu ka mid yahay kuwa lagu soo bandhigo awoodaha iyo sirdoonka xooggan ee Dawladda Maraykanka.

Masuul sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa la weydiiyay su’aal ah sababta uu Maraykanku uga adkaan waayay Dalka Afkhaanistan oo ka awood yar, ka dhaqaale yar, kana hoos dhinac kasta isla markaana ah dal sabool ah, dadkiisuna aanay ahayn kuwo ilbax ah, oo aqoon leh?, Waxaana uu ku jawaabay sababtu waa iyaga oo dadka dalkaasi aanay daawan Filimada Maraykanka. Jawaabtaasi ayaa muujisay sida filimada Maraykanka loogu adeegsado cabsi gelinta dunida kale.

Taxanaha filimka “Mission: Impossible 7”, ayaa isaguna noqonaya filmkii 7aad ee, waxaana uu soo bandhigayaa sirdoonka yaabka leh ee dalkaasi.  Waa qeybtii toddobaad ee filimada taxanaha ah oo loo yaqaan ‘Mission Impossible.

Filimada Mission: Impossible waa silsilad filimaan ah oo laga sameeyay sheekooyinka sirdoonka Maraykanka iyo howlgallada qarsoon ee fuliyaan.   Filimkii ugu horeeyay waxa la sii daayay bishii May 22, sanadkii 1996. Ka ugu danbeeyay waxa la soo bandhigay sanadkii 2023. Sanadkan waxa la daah furay  bishii May 23, sanadkan 2025.