Hargeysa (Dawan) Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dadaallo xooggan lagu wado sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka jirta galbeedka dalka, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Salel. Xukuumaddu waxay sidoo kale sheegtay in Ugaaska Guud ee Beesha Ciise uu iman doono, taas oo qayb ka noqonaysa dadaallada lagu xoojinayo geeddi-socodka nabadda.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa sheegay inay muuqdaan ifafaalo wanaagsan oo muujinaya in nabaddu soo dhawdahay, isaga oo tilmaamay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu gogol nabadeed u fidiyey dhinacyada ay colaadu dhex taallo.
Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in Madaxweynaha Somaliland uu dadaallada nabadeed ka wado bariga iyo galbeedka dalka, isla markaana xukuumaddu ay ka go’an tahay in hawlaha qaranka lagu hago nabadgelyo iyo xasillooni. Waxaanu yidhi .“Madaxweynuhu bari iyo galbeedba gogol nabadeed ayuu dhigay, hawlaha Somaliland waxaan ku wadayaa ayuu yidhi nabadgelyo, waxaana aragnaa ifafaalaheedii.”
Cabdirashiid Magaalo ayaa sheegay in dadaallada lagu xallinayo colaadda galbeedka Somaliland ay marayaan marxalad rajo leh, isaga oo muujiyey in xukuumaddu filayso in khilaafkaasi dhawaan soo dhammaado. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay madax-dhaqameedku ku leeyihiin xal u helidda khilaafaadka bulshada iyo dhismaha nabad waarta.
Wasiiru-dawlaha ayaa si gaar ah u sheegay in Ugaaska Beesha Ciise uu iman doono, isaga oo socdaalka Ugaaska ku tilmaamay tallaabo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu raadinayo xal nabadeed. Waxaanu yidhi. “Colaadda galbeedna dhawaan way soo dhammaanaysaa, Ugaaskii Ciisena wuu imanayaa, Insha Allah.” Geesta kale, Wasiiru-dawlaha ayaa ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland iyo dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd xidhiidhka ay la leedahay waddamada saamaynta weyn ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka.
Cabdirashiid Magaalo ayaa si gaar ah uga hadlay safarka Madaxweyne Cirro ku tagay Maraykanka, isaga oo sheegay in Somaliland ay ka gudubtay siyaasaddii ku koobnayd xidhiidhka dalalka Afrika, isla markaana ay hadda si toos ah ula macaamilayso waddamo miisaan weyn ku leh siyaasadda caalamka. Waxa uu tusaale u soo qaatay Maraykanka iyo Israa’iil, isaga oo sheegay in xidhiidhka lala yeesho dalalka saamaynta leh uu Somaliland u abuuri karo fursado siyaasadeed oo muhiim ah.
Waxaanu yidhi .“Maraykanka ayaynu hadda muranaa oo qolooyinkii soke ee Afrikaanka waynu ka baxnay, Israa’iilna dal sahlan maaha. Turkey-na dal weyn ma aha ee Israa’iil ayaa dal weyn ah oo dunida saameyn ku leh oo miiska adduunyada ku gaadhsiin karta.” Wasiiru-dawluhu waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Cirro uu si weyn ugu hawlan yahay raadinta aqoonsiga Somaliland, isaga oo tilmaamay in dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ay qayb ka yihiin masuuliyadda hoggaanka dalka.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha loo igmaday inuu raadiyo wixii dan u ah Somaliland, isla markaana uu xoogga saaro ilaalinta diinta, horumarka iyo wanaagga bulshada. Waxaanu yidhi .“Madaxweynuhu Kitaab ayaa gacanta loo saaray, oo wuxuu ku qasban yahay inuu raadiyo ictiraaf, wixii diintooda ilaalinaya, horumarkooda iyo wanaagoodana ka shaqeeyo; tii ayuu maanta Maraykan la joogaa oo ku taagan yahay.”



















