Dacwad Sharci oo ka Dhan ah FIFA iyo Arrinta Kubadda Cagta Haweenka

0
5

Ururrada matala horyaallada waaweyn ee kubadda cagta Yurub iyo ururka caalamiga ah ee ciyaartoyda, Fifpro, ayaa ballaadhiyay dacwad sharci oo ay hore uga gudbiyeen FIFA, iyagoo hadda ku daray eedeymo la xidhiidha habka ay FIFA u maamusho jadwalka ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta haweenka. Ururka European Leagues, oo matala 53 horyaal oo xirfadlayaal ah, kana kooban 1,328 naadi oo ku kala yaalla 34 dal, ayaa markii ugu horreysay dacwaddan u gudbiyay Komishanka Yurub bishii October 2024. Dacwadda hore waxay diiradda saartay arrimaha daryeelka iyo caafimaadka ciyaartoyda ragga, iyadoo lagu eedeeyay FIFA inaanay si ku filan ula tashan horyaallada qaranka iyo ururrada ciyaartoyda markii ay dejinaysay jadwal cusub oo ciyaaraha caalamiga ah ee ragga.

Hase yeeshee, European Leagues ayaa hadda sheegtay inay dacwadda ku dartay waxa ay ku tilmaantay “hab-dhaqanka FIFA ee waxyeellada leh” ee ku wajahan kubadda cagta haweenka, gaar ahaan jadwalka ciyaaraha caalamiga ah iyo go’aannada kale ee nidaaminta ciyaaraha haweenka. Ururku wuxuu sheegay in siyaasadaha iyo go’aannada FIFA ay khatar gelin karaan koboca iyo joogtaynta dhaqaale ee horyaallada xirfadlayaasha haweenka, isla markaana ay saamayn ku yeelan karaan caafimaadka iyo fayo-qabka ciyaaryahanada.

European Leagues ayaa ku eedeysay FIFA inay leedahay doorar is-khilaafaya, maadaama ay tahay hay’adda nidaamisa kubadda cagta isla markaana ay abaabusho tartamo waaweyn, taas oo ay sheegeen inay dhalin karto isku dhac dano. Sida lagu sheegay warbixinta, ururku wuxuu ku dooday in FIFA ay awooddeeda nidaamineed u adeegsanayso inay mudnaanta siiso tartamadeeda iyo danaha ganacsi ee u gaarka ah, taas oo ay sheegeen inay dhaawacayso horyaallada qaranka iyo horumarka kubadda cagta haweenka.

Bishii June, European Leagues waxay xubnaheeda ku dartay 14 horyaal oo kubadda cagta haweenka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Women’s Super League-ka England iyo Scottish Women’s Premier League.

Ururka ayaa sidoo kale matala horyaallo waaweyn oo Yurub ah, sida Premier League, English Football League, Scottish Professional Football League, La Liga, Serie A iyo Bundesliga.

Dhinaca kale, FIFA ayaa cadaadis badan la kulantay bilihii u dambeeyay, kadib qorshe la sheegay inuu ku saabsanaa iibinta saamiyo ka mid ah tartamada waaweyn ee FIFA, oo ay ku jiraan Koobka Adduunka, si loo siiyo maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay.

Qorshahan ayaa dhaliyay muran caalami ah, iyadoo UEFA ay xitaa hore uga digtay inay qaaddo tallaabooyin culus oo ay ku jiraan ka qaybgal la’aanta tartamada FIFA. Hase yeeshee, xiisadda ayaa markii dambe yaraatay kadib markii la sheegay in FIFA ay dammaanad qaadday inaan qorshahaasi hirgelin doonin.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis ka imanaya qaar ka mid ah ururrada kubadda cagta ee caalamka, inkasta oo la filayo inuu mar kale u tartamo xilka madaxtinimada FIFA bisha March.

Infantino oo 56 jir ah, isla markaana xilka hayay tan iyo sannadkii 2016, ayaa doonaya muddo-xileed kale oo u saamaxaya inuu sii hayo hoggaanka FIFA illaa sannadka 2031.

Dacwaddan cusub ee lagu daray arrimaha kubadda cagta haweenka ayaa sii xoojinaysa khilaafka u dhexeeya FIFA iyo qaar ka mid ah hay’adaha waaweyn ee kubadda cagta Yurub, iyadoo hadda indhaha lagu hayo tallaabada uu Komishanka Yurub ka qaadi doono cabashooyinka loo gudbiyay.